Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland Oo Laga Soo Saaray Qodobo Taabanaya Waxbarashada Gaar ah iyo Tayada Macalimiinta


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 13:32:24
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Kal-fadhigii 16-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa diiradda lagu saaray tayeynta horumarinta waxbarashada dalka, xooggana loo saari lahaa, tababarrada macalimiinta, agabka waxbarashada, dhiirrigelinta dugsiyada farsamada gacanta iyo in dugsiyada gaarka loo leeyahay ay raacaan manhajka qaranka loo dejiyey.

Taabbo-gelinta tababarrada macalimiinta oo muhiim u ah aas-aaska waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo xirfaddooda aqooneed, lana tayeynayo agabyada waxbarashada.

Iyadoo laga duulayo muhiimadda dugsiyada farsamada gacantu u leeyihiin shaqo abuurka iyo barashada xirfadaha kala duwan, waxay xukuumaddu hawlgelinaysaa dhammaan dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, si loo kobciyo mihnada aqoonta bulshada.

Waxa kale oo goluhu isla qaatay in waxbarashada gaarka




loo leeyahay lagu dabbaqo manhajka qaranka Somaliland, si loo mideeyo waxbarashada dalka.

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sittingImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.