Toljecle-ha Maanta


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 12:44:05
inay isku soo wada dhaweyso, oo deegaan u gaar ah, ay u wada sameyso; oo talo mideysan ay sidaas ku wada yeeshaan.

Toljecle-ha maantu waxa ay magacan Toljecle la wadaagi'jireen, beeshooda Habar Jecle oo intii aanu magacan Habar Jecle soo ifbaxin, ayaa Toljecle ama Habar Toljecle dhammaantood la isku odhanjirey.

Magacan Toljecle waa magac fac weyn, oo soo jireen ah. Waa magacii beeshan Habar Jecle ee Ugaadh Aadan Maxamed (Aadan-madoobe) ay galbeed ula soo guurtey. Waa magac beel weynta Habar Jecle oo dhan ka dhaxeynjirey.



font-family: "Calibri", sans-serif; text-align: justify;"> Sidaas darteed, beeshu waa Ugaadh Aadan-madoobe, oo waa Habar Jecle. Sida beesha Ugaadh Aadan inteeda bari ay Habar Jecle u tahay, aya'ay inteeda galbeedna ay Habar Jecle u tahay. Sababta oo ah, Aadan Maxamed (Aadan-madoobe) meel kasta oo uu kala dagganyahay, waa wada Ugaadh Aadan, oo waa wada Habar Jecle.

Si kasta ha ahaata'e, jilibbadan Toljecle, waa wada Ugaadh Aadan. Isbahaysigii ka hor, jeesas yaryar, oo kala qeybsan, oo kala deegaan ah, oo kala mag, aya'ay ahaanjireen. Ha'se ahaata'e, markii danbe ayaa magaca Toljecle lagu wada mideeyey.

Sii jiritaanka magaca Toljecle, tognaan iyo tabnaanba waa laga'la kulmey. Dhinacii magta iyo qaadhaanku, si fiican aya'ay in muddo ah ay u shaqeeyeen; oo lagu'ma khasaarin. Laakiin magacu waa ka iyaga iyo tolkood Habar Jecle kala gooyey, ee kala fogeeyey; ee inay laba beelood kala yihiin, loogu maleeyey ama loo moodey.

Waxa kale oo beeshan galbeed aan u suurta'gallin, ama aanay u'ba hawlgallin, inay jeesaskeeda kala baahsan, ee kala durugsan, inay isku soo wada dhaweyso, oo deegaan u gaar ah, ay u wada sameyso; oo talo mideysan ay sidaas ku wada yeeshaan.

 

Maxamed Sheekh Daahir

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.