Maraykanka Oo Safiir Cusub Usoo Magacaabay Somaliya + Wadamada Uu Hore Uga Soo Shaqeeyay.


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 09:52:02
Danjiraha cusub ee uu Mareykanka u soo magaacabay Soomaaliya waxaa uu horay safiir uga soo noqday Dalka Itoobiya

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa danjire cusub u soo magacaabay wadanka Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabay Donald Yamamoto

Trump ayaa sidoo kale magacaabay Danjiraha Mareykanka ee dalka  Nicaragua,waxaana lagu sheegay in ujeedada magacabistan ay tahay sidii loo buuxin lahaa safaaradaha banaan ee uu Mareykanka ku leeyahay waddamada kale ee Caalamka.

Danjiraha cusub ee uu Mareykanka u soo magaacabay Soomaaliya waxaa uu horay safiir uga soo noqday Dalka Itoobiya intii u dhaxeysay 2006 ilaa 2009kii,waxaa kale oo uu danjire ka noqday dalka Jabuuti oo uu ka shaqeynayay intii u dhaxeysay 2000 ilaa 2003dii.

Mar waxaa uu ka tirsanaa waaxda wasaaradda arrimaha dibadda




qeybteeda Afrika,waxaana uu bilo ka hor isaga oo wafddi hoggaaminaya booqasho ku tagay dalka Jabuuti, Eritrea iyo Itoobiya.

 

Hadhwanaagnews




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.