Ujeedada Digniin Wasiirka Maaliyada Somaliya Udiray Shaqaalaha Wasaaradiisa.


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 09:18:58
Haddii shaqada la idinku adkeeyo wax kale garan maysaan ordoo

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Somaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa digniin udiray shaqaalaha Wasaaradiisa ee aan soo xaadirin shaqooyinka.

Wasiir Bayle wuxuu tilmaamay qof kasta oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda in laga doonaayo si hagaagsan inuu i guto waajibaadka shaqo ee saaran.

Wasiir Bayle ayaa si dadban u weeraray shaqaalaha qaar oo Qurbajoog ah kuwaasi oo qaata lacagta Wasaaradda Maaliyadda, balse shaqada aanan imaanin.

"Ninkii aanan imaanin shaqada 8:00 subaxnimo aniga wax mushaar ah iguma lahan, qurbahan isaga maqnaanayaa lacagteyda iisoo dhaceysa wax suuragal ah ma ahan." Ayuu yidhii Wasiirka Maaliyadda.

"Haddii shaqada la idinku adkeeyo wax kale garan maysaan ordoo Xildhibaanadiina lasoo carara, waxaasi waa dhamaatay 8:00 subaxnimo shaqada waa in




la yimaadaa" ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Bayle.

 

Hadhwanaagnews




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.