Waa Maxay Kolastarool? Dr. Abdikarim D Hassan, Qormada Saddexaad


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 08:21:49
Sababaha saliidan loo warshadeeyaa waxa weeye, waxay fududaysaa Isticmaalkooda, waxa jaban samayntooda, waxaana kordha inta ay dabka

Sidee loo hoos loogu dhigi karaa kolastarool-ka:

Waxa lagama maarmaan ah in qofku fahmo in jidhkeenu dufan kufilan sameeyo, sidaa darteed uma baahna in dufan ama subag dheeraad ah lagu shubo, oo qofku uu si joogto ah u quuto cunto sabag iyo dufanku ku badan yihiin. 

Sidaa darteed tallaabada kobaad ee lagu yaraynayo kolastaroolku waa in la yareeyo subaga, saliida, hilibka, iyo wax yaalaha la xidhiidha ee qofku cunaayo. Talaabada labaad waa inuu sameeyo jimicsi joogto ah oo ka caawiya inuu gubo dufankii jidhkiisa galay. Hadii miisaanka qofku uu aad u wayn yahay waa inuu ku dadaalo inuu miisaankiisa dhimo. Waxaa iyaguna wax wayn




ka tara hoos u dhigga iyo sifaynta kolastarool-ka khudaarta cagaaran (green leafy vegetables).

Khudaartu laba hab ayay u yaraysaa kolastarool-ka. Marka koobaad waxay khudaartu waxay nuugtaa subaga fudud ee ku hadha dheef-shiidka (simple lipid remnants) iyagoo raaciya saxarada, sidaana jidhka kaga saara. Marka labaad khudaartu waxay leedahay maadaddo layidhaa antioxidants; oo sifeeya sunta ka dhalata burburinta kolastarool-ka( cholesterol metabolism toxins).  qodobadaa aynu soo sheegnay ayaa loo adeegsan karaa ka hortaga kolastarool-ka sareeya.

Cabitaanka biyo badan ayaa iyana la ogyahay in uu caawiyo guud ahaan sifaynta jidhka.

Waxa jira nooc saliid ah oo loo yaqaan (Trans oils ama Hydrogenated oils), sida magaca ka muuqada noocani wuxuu ka samaysan yahay saliid cunto oo asalkeedii ahaa dhir dabiici ah  ; sida saliida masaggada, gabal-dayaha ama sisimta oo lagu daray haydaragiin dheeraad ah.

Sababaha saliidan loo warshadeeyaa waxa weeye, waxay fududaysaa Isticmaalkooda, waxa jaban samayntooda, waxaana kordha inta ay dabka ku  jiri karaan iyo muddada la kaydin karo (shelf life). Waxa Intaa dheer, waxay cuntada u yeelaan dhadhan aad u macaan oo macaamiisha soo jiita.

Aqlabiyada hudheelada cuntada degdega ah(fast foods) sameeyaa waxay isticmaalaan saliidaha noocan ah si ay wax ugu shiilaan marhadii cimrigoodu dheer yahay, qiimahooduna jaban yahay.

Wadamo ay ka  midd yihiin Denmark, Switzerland iyo Canada ayaa culays wayn saaray Isticmaalka Saliidaha noocan ah. Dalka Maraykanka, sanadkii 2013 ayaa hay’ada Cuntada iyo Dawooyinka( Food and Drug Agency FDA) waxay go’aamisay in Trans oils ama Saliidaha warshadaysani ku haboonayn Isticmaalka bani’aadamka.

 Waxa lagu soo rogay shirkada cuntada karsan qasacadeeya in ay qoraan inta  saliid warshadaysan ku jirta cuntada ay qasacadeeyaan iyo waliba xaddiga ay le’egtahay.

Haddaba waa maxay sababta aynu halkan ugu xusayno, saliidahani waxay aad u kordhiyaan kolastarool-ka xun (LDL-Cholesterol, Triglycerides), waxa kale oo ay hoos u dhigaan Kolastarool-ka fiican (HDL-Cholesterol. Sidaa darteed waxay ka qayb qaataan xannuunada wadnaha iyo macaanka.

 Baadhitaanada cilmiyeed ee lasameeyay dhowr kii sanno ee ugu danbeeyay, natiijada hordhaca ah ee kasoo baxday waxay tilmaamaysaa in Saliidahan warshadaysani ay ku lug leeyihiin qaar ka midd ah Kansarada jidhka ku dhaca, gaar ahaan Kansarka mindhicirka iyo malawadka ( Colorectal cancer).

Arintani waxay inagu dhiiri gelinaysaa in aan joojino ama yarayno cuntooyinka degdeg ah iyo kuwa diyaarsan ee kartoonka ama qasacada lagu mooriyay, ee aynu cunno. Waa in qofku ku dadaalo in uu cuno cunto uu ogyahay waxa laga sameeyay oo daray ah, inta uu awoodi karo.

Marka intaa laga yimaado, dadka da’doodu ka wayn tahay 50 sano waxaa la gudboon in ay shaybaadh kolastaroolka ah iska qaadaan sannadkii mar, waa hadii ay caafimaad qabaan oo aanay wax xannuun ah ka cabanayn. Ogow kolastarool-ka sareeyaa ma laha astaamo cabasho keena oo lagu garto, waxa uun lagu baraarugaa marka dhibaatadiisu qofka soo riddo.

Hadii qofku qabo midd ka midd ah xannuunada kolastarool-ku khatar-dhaliyaha u yahay sida macaanka iyo dhiig karta, waa in uu raaco talada dhakhtarka dawaynaya, waxaase laga yaabaa in sannadkii dhowr goor la qiyaaso kolastaroolkiisa.

Hadii baadhitaanka lagu xaqiijiyo in kolastarool-kiisu ka sarreeyo xaddkii dabiiciga ahaa waxaa muhiim ah in tallaabooyinkaa aynu soo sheegnay lagu xoojiyo midd ka midd ah dawooyinka kolastarool-ka hoos u dhiga.

xusid muddan oo ay tahay in qofka dawada qaadanayaa ku baraarug sannaado in dawooyinku aanay meesha ka saarayn tallaabooyinkaas aynu soo sheegnay.

Qofku waa inuu jimicsi joogto ah sameeyaa, isla markaana yareeyaa dhamaan noocyada dufanka iyo saliida si dawadu u shaqayso oo natiijo wax ku ool ah uu u gaadho.

 

 

cabdikariim hassan

 

 

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.