Badhisabka Gobalka Maroodijeex Oo Darawalkisii u Sharaxay Xildhiban Golaha Deganka Burco ah


(Hadhwanaagnews) Thursday, July 12, 2018 06:24:26
iyo Waxgaradka Degankaasi Oo Talabadaasi ka soo Horjestay

Burco (HWN)- Guddomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed  oo ka mid ahaa guddomiyayaashii gobolada ee uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi ayaa maalmihii u danbeyayba ku howlanaa sidii uu beesha uu ka soo jeedo ugu qancin lahaa inuu musharax golaha degaanka burco ugu soo sharixi lahaa Darawalkiisa,
 
 
 
 
Balse isku daygaasi ayaa noqday mid aan suurtagalin ka dib markii uu Waji-gabax kala kulmay Cuqasha,Odayaasha iyo Waxgaradka uu ka soo jeedo kuwaasi oo ugu horayntiiba u qadimay inay beeshu diyarisay musharixii u meteli lahaa dorashada golaha barlamaanka isla markaasna ay isku raceen inuu doorashada wakiilada uu beeshasi u sharaxnaan doono siyaasi Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo isagu ah siyaasi Saamayn Xoogan




ku leh Beeshaasi,isla mar ahaantasna tacab badan galiyay deeganada ay degto beeshisu,
 
 
 
 
 
Qorshaha Musharaxani Cusub oo ah mid Uu Ujeedoyin gaar ah ka leeyahay Gudomiyaha Gobalka Maroodi-jeex ayaa ujeedoyin ugu wayn waxa ka mid ah inuu culays siyasadeed ku saaro siyaasi cabdilaahi yuusuf axmed oo la shegay inuu aanu wax xidhiidh ahi ka dhaxaynin gudomiyaha iyo musharax cabdilaahi yuusuf.
 
 
Ugu Danbayntii Talabadani Uu Qaaday Gudomiyaha Gobalka Maroodi-Jeex Jaamac Xaji ahmed ayaa waxa ka soo horjestay Cuqasha,Odayasha iyo Waxgaradka beeshaasi kuwaasi oo shegay inay aanay habonayn in wakhtigani khilaaf uu abuuro mid ka mid ah Masuliyiinta Xukumada Talada Haysa
 
Hadhwanaagnews.com
Burco-Office



©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.