Daqiiq Dhacday Oo Lagu Qabtay Dekeda Berbera + Go'aanka Xukuumaddu Ka Qaadatay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 11, 2018 15:42:49
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Hargeysa (HWN) - Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayadda Somaliland Muuse Xaaji Yuusuf ayaa ka hadlay Daqiiq xumaatay oo ay ku qabteen Dekeda Magaaladda Berbera.

Waxa uu xusay in Daqiiqdaasi dib loogu raray Markabkii siday isla markaana uu dib ugu celiyay halkii uu marka hore ka keenay.

“Way jirtay daqiiqdaasi xafiiskayaga Dhawrista Tayada ee Magaalada Berbera, waxaanay soo istaagay daqiiq aad u xumaatay, taas oo aan munaasib ahayn in lagu sii daayo, wadanka waxaanan warqad u qornay markabkii iyo shirkadii daqiiqdaas keentayba.

Waxaanan siinay laba talo midkood, in ay daqiiqda nagu soo wareejiyaan oo aanu gubno ama in uu daqiiqda markabkii




siday dib ula noqdo oo aanay wadanka soo gelin.

Markaa waxa ay qaateen go’aankii ahaa in uu markabku Daqiiqda la noqdo, manay soo gelin Daqiiqdaasi dalka” ayuu yidhi.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.