Waxa la jooggaa xiligii runta la isu sheegi lahaa:...W/Q Axmed I. F. Doodi


(Hadhwanaagnews) Wednesday, July 11, 2018 13:02:05
Waxa la jooggaa xiligii runta la isu sheegi lahaa:...W/Q Axmed I. F. Doodi

Taariikhda iyo dhiganaha in la majaro habaabiyo ma aha, waxase mudan in Somaliland-ta maantu runta wajahdo si ay sharci ahaan iyo siyaasad ahaan xaqeedda u hesho - xaqeeddu waa mid laba arimood uun kusoo ururaya.

Milicsigga taariikhda iyo imaanshiyihii gumaystaha:

1. Reerihii degganna dhulkii loo yiqiinay British Somaliland Protectorate, waxay heshiis la galeen boqortooyaddii Biritaaniya, heshiisyadaasi ma ay ahayn kuwo dhanka Somali da cid




qaari kuwadda matasho, sababta oo ah Somalidu deegaanadooda iyaga ayaa reero ahaan ka talinjiray. Sidaa daraadeed Boqortooyadii Biritaaniya reeraha degga dhulkan si gooni gooni ah ayay heshiis ula galeen, markii xornimada la qaatayna qoraalkii iyo ku dhawaaqistii madaxbanaaniddu sidan ayay u dhignayd oo ku beegnayd 23 June, 1960 "whereas the territories in Africa known as the Somaliland Protectorate are" ......qoraalkan sida tan ku bilawday wuxu si cid u tilmaamaya in anay jirin dhul guud oo cid loo igmaday -sida dawlad - aanu jirin waayo "territories.....are...." ayaa macne ahaan inoo sheegaysa waxa meesha ka jirijiray oo ilaa hadeerna iskaba jirta.

2. Midawgii Somaliland iyo Somalia No.1 1960 ee ku aadanaa 27 June, 1960 wuxu u gogol-xaadhayay soo afjaridii wixii la odhan jiray Somaliland iyo Somalia, waxa lagu xusay hadal bilawgiisa lagu iftiminayo xiliyada labada gobol xoroobeen/xoroobidoonaan ".....waa rabitaanka labada shacab ee Somaliland iyo Somalia inay isku darsadeen noqonna doonaan hal dal oo mid ah waligii" erayga "WALIGii" Ciyaar ma ahayn sharci ahaan!!!

3. Way jirtay in madmadaw soo galay isku darsanka labada gobol ee xiligaas, laakin siyaasiyiintii iyo ciddii hawsha xilagaa waday ee waliba Reer Waqooyi, way ka aamuseen kana hadliwaayeen, sharciyana mar hadii uu dhaqan galay heshiiskii dood la'aan sidaas ayuu ku hirgalay, sharciyadda caalamiga ah ee dooddan Somaliland lagaga helikaranaa waxa weeye "estoppel and silent agreement principles" oo afsomali ahaan noqon kara "gashaanti aamuskaa lagu meheriyaa".

4. Qaraarkii tirsigiisu ahaa 1479 ee kasoo baxay Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, kuna taariikhaysnaa 20 Sebtember 1960, halkaas oo si rasmi ah loogu aqoonsaday Dawladii Somaliya inay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay, iyada oo loo diwaangaliyay "Somali Republic". Tana waxay meesha ka saarty wixi jirijiray xornimada iyo midawga ka hor. Qaraarkaasina waa kii aynu kaga midka noqonay QM, cid kaa leh oo kaa xigtaana anay jirin, ilaa haddana wax iska badalay ma jiro qaraarkaas, waa mid qawaaniinta caalamiga ahina ku khasbanyihiin in ay ixriraanto "madaxbanaanida dhuleed" ee Somalia.

5. Intaa wixi ka danbeyey, iyada oo xeerarka caalamiga ahi ay ka gar-naqayaan wixi dhacay, hadana waxa lama taabtaan ah in Somalida oo dhexdooda ka heshiiya mooyaane aanay waxba iska badalayn arintaa iyagu markii horeba u wada galeen "midnimadda".

6. Gar-kama-waynin, oo xeerarka caalamiga ah waynu ku sandulaysanahay, dhibtuse waxay ka jirtaa, arinta Somaliland iyo Somalia, oo aan wali ciddii ay khusaysay si waaqic ah uga dooddin. Waa run oo Somaliland dooddeedu waa "waan goosanay" koonfur-na wax ka sii liita ayaa ka socda oo ah " ku dhac-waynaa" taas oo arinta sii murginaysa.

7. Qaraaraddii 1963 ee Adis Ababa iyo kii 1999 e Sirta, Libiya labaduba oo ku kala suntana OAU iyo AU, waxay si cad u taabanayaa ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee wadamada Afrika.

Mar hadii sharci sidan inoogu jiq-yahay, siyaasad ahaana aynu ka gaabinay in aynu dan muuqata u abuurno Somaliland, dooddo hufani waa lagama maarmaan!

Gabagabadii, golayasha sharci-dajinta, xukuumadaha iyo ciddi aqoon fog u leh arimaha siyaasada iyo shuruucda caalamiga ahi iyo waliba xisbiyada qaranku waa inay ka dooddaan, kuna dhiiraddaan mustaqbalka dadkan iyo dalkan, haddii kale waxa dhaca waynu u wadda joogi, tii Allana waa meel.

Taariikhda umadda waxa ka beensheegaya laba qolo
1. Mid aan ogayn sida curfiga iyo siyasadaha dunidu u shaqeeyaan oo xaafadooda ku koray, ku waynaaday kuna dhalay haduu doono,
2. Mid wax og laakin dan-gaara ku wata rajo-xumada sii murgaysa.

I rumayso ama ha i rumaysan, dood adag iyo isfahan balaadhan ayaa inaga xiga in ama la is raaco ama la kala go'o.

Waxase igaga daran inta ku mashquushay xaafadaha iyo isu magac bixinta rakhiiska ah iyada oo dawladnimadoodii 1960kii ka qatan, tan ay sameysteena aan wax tarka u lahayn is jeegaamayn iyo is giraamayn mooyaane.

Salaam!




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.