Qaab Dhismeed Cusub Ee Wasaarada JSL Iyo Wasiiro Cusub Oo La Magacaabayo!


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2018 17:14:13
Doonaan wasaaradaha Dawladu Dabadeedna uu soo saaro isku shaandhayn iyo xilka qaadis iyo xial cusub oo uu magacaabi

inkasta oo  Distoorka  JSL  aanu  meelna  ka ga ool  wax  la yidhaahdo saami qaybsi balse  Distoorku uu si cad uqeexayo in Madaxweynaha la Doortaa uu  xor u yahay maga caabiista Golihiisa wasiirada iyo Mas,uuliinta kale ee xukuumadiisa  hadana  waxaad mooda in aan shacabka s/land  weli  ka korin  waxa ay ku sheegaan saami qaybsi  Sidaa owgeed waxaa la filayaa in Madax weynaha jamhuuriyada s/land soo Dhiso qaab dhismeed cusub oo ay ka koobnaan Doonaan wasaaradaha Dawladu  Dabadeedna uu  soo saaro isku shaandhayn iyo xilka qaadis iyo xial cusub oo uu magacaabi Doono   .... shaxda cusub ee wasaaraduhu waa sidan:

 

1- wasaarada arimaha Debeda iyo xidhiidhka




caalamiga

 

2- wasaarada qorshaynta iyo tiro koobka

 

3- wasaarada arimaha Gudaha iyo aminga qaranka

 

4- wasaarada Gaashaan dhiga

 

5- wasaarada maaliyada

 

6- wasaarada arimaha Distoorka iyo xidhiidhka Golayaasha

 

7- wasaarada Dawladaha hoose iyo hor umarinata magaalooyinka

 

8- wasaarada Gaadiidka Dhulka iyo Hor umarinta wadooyinka

 

9-wasaarada Duulista, Gaadiidka cirka iyo madaarada

 

10- wasaarada Dekedaha ,Gaadiidka Bada iyo hor umarinta xeebaha

 

11- wasaarada Ganacsiga iyo wershedaha

 

12-wasaarada maal gashiga iyo hor umaranti dhaqaalaha

 

13-wasaarada tamarta iyo macdanta

 

14-wasaarada Biyaha

 

15- wasaarada Degaanka ,Dhirta iyo Daaqa

 

16-wasaarada Beeraha

 

17-wasaarada xanaanada xoolaha

 

18-wasaarada Diinta iyo awqaafta

 

19-wasaarada kaluumaysiga iyo kheyraadka Badda

 

20- wasaarada boosaha iyo isgaarsiinta

 

21- wasaarada ciyaaraha ,Dalxiiska, Hidaha iyo dhaqanka

22- wasaarada shaqada iyo shaqaalaha iyo arimaha Bulshada

23-wasaarada caafimaadka

24-wasaarada tacliinta iyo technologiyada

25-wasaarada hawlaha guud iyo Guryaynta

wasaaraduhu in ay Gaadhaan ilaa 27 ayaa laga yaaba

waxa iyana jira shan hay`adood oo Madax banaan

wasaarada Dawladaha hoose waa wasaarad cusub oo ka shaqayn doonta Daba galka iyo kormeerida golayaasha degaanka oo aan haba yaraatee lahayn cid kormeerta ama Daba gasha , waxayna si joogta ah  warbixin ugu soo gudbinaysaa madaxweynaha goloyaasha degaanka dalka oo dhan , madaxweynuhu wuxuu awood u yeelan karaa  in uu kala diro golaha degaanka ee ay ku cadaato in uu waajibkiisii gabay  waxaanu si ku meel gadh ah u magacaabaya mayer cusub oo xilka magaaladaas sii hayn doona inta  Doorasho Danbe oo gole degaan dhacayso.

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.