car gaboose oo u ololaynaya ha arkin


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2018 16:43:50
Waxba yaan hadal idinku daaline ,habeen habeenadaas ka midda,anaggoo maqaaxi meel fadhina ayaa nin wayn oo waayo araggi kelmed igu yidhi

car gaboose oo u ololaynaya ha arkin ‘’.

Sanaddii 2002 waxaan ka mid ahaa taageerayaashii urur siyaasadeedkii sahan ,kuwii ugu xag jirsanaa uguna firfircoonaa ,sababtuna waxay ahayd waa ciyaartii iigu horaysay bay ahayd daawashadeedda .

Olole ,orod iyo xamaasad wayn ka dib doorashaddii baa loo dareeray ,ururkaygiina wacdaro ayuu dhigay ,hassa yeeshee natiijaddii waxay u dhacday si aanaan jeclayn .



6px; font-family: inherit;"> Hogaamiye ,hadal yaqaana oo shucuurta dadka si wanaagsan codkiisu u gilgilo ayaa na wataye ,hadalo sidda dhinbiisha u kulul ayuu ku ganay jahaddii madaxtooyadda oo aanu wax ka tirsanayn ,anaguna waanu u sacabinay ,waanu u guuxnay waana aanu la jiibinay .

Waxba yaan hadal idinku daaline ,habeen habeenadaas ka midda,anaggoo maqaaxi meel fadhina ayaa nin wayn oo waayo araggi kelmed igu yidhi ,kalmadaasooy ahayd,waxani waa siyaasade xoog ha isu sii raacin ,waan ku diiday dhan walba waxbuu iga tusay markaa hadalkiisii ku dhaabadeeyey ,car gaboose oo riyaale u ololaynaya ha arkin .

Ayaamo ka dib ,waaba ururkaygii oo ku biirey xisbigii udub ,ayaamo ka sii dibna waaba dr gaboose oo riyaale u ololaynaya ,waanay igu adkaatay in aan fahmo filinkaas maadaama aanan filimo horre soo daawan ,hassa yeeshee waan ku ilbaxayoo ,waagaas ka dib ,cadaafifadaydi hoos bay u dhacday ,welina way sii yaraanaysaa .




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.