Aabbow Xorriyaddiyo, Xuquuqdaydu Yay Lumin: Suugaan Kala Furatay Aabbe Iyo Inantiisii


(Hadhwanaagnews) Tuesday, July 10, 2018 14:47:47
W/Q Siciid Maxamuud Gahayr

Iyada oo ku jirta geeddiga waxbarasho ee tacliinta sare ayaa loo bandhigay in ay guursato nin ay qoyskeedu u soo xuleen, weliba dal shisheeye ayaa aqoonta ka wadday. Waxa adkaaday in ay yeesho aragtidaas, iyada oo culayskaasi haysto ayay qof ahaan ii soo bandhigtay in aan curiyo suugaan ay waalidkeed ugu caqli-celiso.

Waxa aan u diray maansadan kooban ee qaabka heesta u dhigan. Muddo kaddib waxa ay ii sheegay in aabbeheed aqbalay soo-jeedinteedii. Waa




mararka aad garan karto saamaynta ay tixdu leedahay.

Waxa ay tidhi:

Xushmaddaadu waa faral
Iyo weedh Xakiim faray

Xiisiyo jacayl baa
Xaas lagu ahaadaa
Siduu xididku geedaha
U xareed waraabshay
Xubbigiyo galgacalkuna
Qoyska ugu xus mudanyiin

Xaajadu cakirantee
Geesi aanan soo xulan
Ifka kuma xasilayoo
Xabbadkayga kaan hanan
Xilo uma ahaan karo

Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yay lumin
Xurmayn baan ku saaraye
Xarafkayga ii yeel

Waxaad tahay xilqaadkii
Samo igu xannaanshee

Inagoon xabaal gelin
Xagna kaama tegayoo
Waxaad tahay xilqaadkiyo
Xayndaabka noloshoo
Xangullaaha garaadkaad
Xusuus weyn ku leedahay

Xayskaan filaayiyo
Rejadayda xaalee
Xiddigaygu yuu dhicin
Ii xeeri taan rabo
Axdigaan xafidayana
Xoorkiisa ila dhawr

Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yay lumin
Xurmayn baan ku saaraye
Xarafkayga ii yeel

Xubin-hadalku yuu noqon
Xujo aan la mari karin

Xakamaha i dhibayiyo
Xayiraadda iga daa
Wadnihii xawilan iyo
Xero caashaq uu dego
Xagal kale ma eegaan
Xalku dookha weeyaan

Xaawalay la duudsiyo
Xadiiskeennu muu dhigin
Xilliyadu qadhaadhaa
Sidii uu xanuun jiro
Xisku wuu werwerayaa
Xalaytoole maan gamin

Anigoon xaq diidayn
Aabbow xorriyaddiyo
Xuquuqdaydu yay lumin
Xurmayn baan ku saaraye
Xarafkayga ii yeel




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.