Reer Hargeysow Maayarka Caasimada Hargeysa Ii Doorta Waan Isku Sharaxaye.....Rashiid Sulub Caalin


(Hadhwanaagnews) Saturday, June 30, 2018 16:33:21
Reer Hargeysow Maayarka Caasimada Hargeysa Ii Doorta Waan Isku Sharaxaye.....Rashiid Sulub Caalin

 REER  HARGEYSOW IYO DADWEYNAHA NAWAXIGEEDA DEGGENOW,  MAAYARKA(DUQA) CASIMADDA HARGEYSA II DOORTA,WAAN ISKU SOO SHARAXAYE.  WANAAG BADAN  OO AH WAX-QABAD  DANTEENA GUUD OO MUDDO DHEER XASUUSANAN DOONTAAN AYAN REEBIDOONO HADDII ALLEH YIDHAAHDO,   BADANKIINU WAAD I TAQAANANE!

Reer Hargeysow iyo Dadweynaha  Nawaaxigeeda deggen ee sharashta leh Ma daneyneysaan  inaad ii doorataan Maayarka Casimadda Hargeysa, aniga oo u  sharaxan Jagadaasi  Doorshooyinka Golaha Degaanka ee mudeysan 2019 March, si aydan  dib ugu qoomameyn, sidey aheyn jirtay illa lixdankii SIYAASIYIINTEENU BADANKOODII oo ay ka mid yahiin kuwii Maayarada hore soo ahaa badankoodii  ee l Xukuumadda dhexe soo magacaabi jirtay,ama la doorato. Aniga ima qawadi doontaan,ini quudhsanamayo,ini qalajina maayo .Waxaan aminsanahay  oo an ku fani kara in aan bulshadayda ka kasbadey dhexdeeda Qadrin




Qiimo leh.Waxan se sinba ka  kagaqayb noqon doonin oo an raali ka aheyn,idinkoo badankiinu igu wafiqidoona, qaabka qaldan  ee hadda aynu  xildhibaanado ku soo dooraney badankoodu  iyo habka ay ku shaqeeyan oo qalbigeygu iyo Damiirkaygu aqbali Karin ee ah :-isku-qababsiga Kursiga Duqa Caasimada iyo kuxigeenkiisa ee qaybyaladeysen,iyadoo ay inoo bananyahiin Dariiqooyin kale oo ka oo  fayow oo si fiican inoo wada anfacaaya,inaganna reebaya waxa dib inoo riixaya iyo qubitaanka  lacagta xaddhaafka ah ee ololeha  iyo tukale aan loo Aabayeeleynin oo marka danbe Qasnada Qawladda Hoose  Qasab lagaga dhalinaayo, Kooxeysiga Jaan,Nin jecleysiga iyo  ka horeysiin Danta Gaarka ah teena Guud, Dhulka & Hantida Ummadda ee lagu BAHALOOBEY ,intaba igu arkimeysan Haddi Alleh yidhaado. Sidoo kale waxaan abuuri doona  xidhiidh WAAQICI KU DHISAN oo ah  isla-jaanqaadka  Dawladda dhexe,iyo Dawladda hoose Hargeysa,iyadoo Xeerka Casimadda u hiloobidoona in uu shaqeeyo.( qofkii doonaya waxa uu iga dalban kara qorshahayga  Waxqabadkaygu ku adanyahay,ee diyaarsan).

Sida aynu badankeenu ogsoonahay bulsho ahaan Nolosheena waxa ina horyaala CARQALADO waaweyn oo hore ino soo marin iyo kuwo jiray oo toban jibbaarmey iyo QADIYADO  waaweyn oo wajiyo cusub oo ah kuwo sameyeyno xooggan ku leh Gobolka Geeska Africa iyo gudaheena oo dhinacyo badan inaga khuseeya,kuwaasi oo an ka fursaneyn in aynu ku wajahno si waabasho laheyn gamco iyo qalbiyo Daahir ah oo aynan  Garshadeena,Awoodeena,isku duubnaanteena waxba la hadhin,sidoo kalana  la nimaadno isbadalo waafi ah oo ah fakarkeena iyo dhaqankeena oo hore inoo dhigaaya.Mid  kaliya haddii an ka soo qaato masal ahaan,waxa jira Xaqiiqada ah in dadkeena dadiisu ay isbadal weyne ku timid,waxana qiyaas ahaan la odhan kara in 80% dadkeenu  dadaddodu  ay tahay 30-35 jir waxii ka yar! Kooxdaasi oo sugeysa in Xoogooda dihin si cilmiyaysan loo maalo 50ka sanno ee soo socda ,lagagana badasho Nolol kaafi,oo sharaf iyo cisi leh  oo loo fidiyo xaqna inoogu yeelanayaan ,taasina ay marwalbana ay sugayso kuwa talada haya markaasi.  Ugu danbeyntiinii waxa shicibka Reer S/l  ku boorinaya in ay ka Niyad jabin Carqaladaha aynu wado naqaano  ee Dhoorashooyinkeena  ONE MAN ONE VOTE  labo dibble u xidha oo aynu dalbno,la socono,daneyno in ay si  xor iyo xaalaal ah ay ku qabsooman.

Waxaan ku dhashay Magaaladda Hargeysa 12/9/57 oo imikana dagganahay.Waxaan khibrado gaar ah u  leeyahayoo illa 30 sanno ah:-Arrimaha Bankiyadda,Maaliyadda,Maamulka Guud,Samafalka,Arrimaha bulshasha,Xidhiidhka dadweynaha,Hayada Caalamiga & kuwa Wadaniga ah,Xidhiidhyadda kala duwan ee Dawladda,Xalinta Khilaafadka Danta guud .Waxaan wax ku soo bartay dalka USA.Germany.Pakistan.Waxanan ka mid ahaa Sarakiishii sarsare Bankigii Ganacsiga & Kaydka Soomaaliyeed ee Dawladii hore ee Siyaad Bare. ( tani waxaad iga dalban kartaa macluumad dheeri ah faaf-faasan). Ugu danbeyntii waxaad idiin balanqadaya haddii I doorataan in maalinta labadaadba tagi doono Maxkamadda khuseysa ,si an u diiwan galiyo Hantideyda ma guurtada ah iyo waxii kale ee an leeyahay, si la igula  xisaabtamo maalinta Shaqadu iga dhaamto, si wax aan lunsadey ama leexsadey oo ah HANTIDA QARANKA u kalo cadaato, oo lagu qanco.Waxanan u fasaxi doona in ay dadweynaha Reer S/L  Maalintaasi ka waaban sheegitaankooda Sugan waxii Xoolo iyo Hagrashoba ah la igu tuhmaayo.Maalinta saddexaad waxaan soo hordhigidoona ,kuna dadaalidoona in ay ansixiyan Golahayga Deggaanku Mashruuc igu muddan oo muddo  dheer an qorsheynaayay  la tashi badana ka sameeeyay ,kaasi oo ah HABKA REERAYSAN EE HARGEYSA LOO KALO DAGGENYAHAY OON BADLO OO AN KEENO, HIRGALIYANA MID DHAMAAN REERUHU IS-DHEX DAGGANYAHIIN SI WAALTINIMO OO QABYAALAD LAHEYN HADDI ALLE YIDHAADO!! Sidoo kale waxaan idiin ku ballanqaadayaa in haddii muddadeydu(Xiliga la i  idmadey) dhamaado in anan raadsan doonin muddo kordhin si kastaba haddii ay u dhacdo. Waxa  muhiimadaheyga kowaad ka mid ah in an Dawladda dhexe  uga hawl galo sidii ay  ugu la sii wadilaheyd WAAXDA SOCDAALKA EE S/L qorshihii qiimaha weyn laha ee ay dadka Ajnabiga ee dalka jooga ku nidaamineysey ee hakadka galay, iyo Dadka WAAYEELKA ah oo waayadan danbe ka cagey suuqmarida,iyagoo badanka Wadayasha Gaadiidka Magaalooyinka S/L ay xaqii wadda maristooda ka xaqireyn oo ay fursado si caadi ah Waadooyinka ay kaga gudbaan kuna maraan siin waayay,sida Nidaamka aduunka  oo kale lagu daryeelo,taasina ay keentay faquuq waayeelkii ku xabisnaadan goobaha ay ku nabadgalayan ,halkaasina isdhex-galkii,dheelitirkii ,isku caqlicelintii ,gubintii xikmadeysned ee bulshadu ayaa halkaa ku hoogtay. Qorshayashan iyo kuweyga kaleba  oo ay ku hirgalyaan oo kaliya wadashaqeynta an ka filaayo Reer Hargeysa & Nawaxigeeda kuwa deggan,  Hiil la igu  garab istaaga   waa mid ah LAMAHURAAN!!

FADLAN  MAALINTA COD-BIXINTA HADDII ALLEH YIDHAADO CODKAAGA QAALIGA AH II HIBEE DUCAQABE!.

F.G.Waxaan ku boorinayaa Golayaasha Sharci dajinta  iyo Guddida Doorashooyinka ee S/L waxii hawlsha doorashada ee ku xidhan ee qabyo ah ay dhameystiran  si dhakhso ah una diyaariyaan XEERARKII ay ku qabsoomi lahaayeen Doorshooyinka la filaayo inay ka qabsooman S/L 2019,islamarkaasina Xeerarkaasi ku saleyaan WAAYO-ARAGNIMOOYINKII IYO DURUUSTII  LA BARTAY INTII  ONE MAN ONE VOTE dalkeenu ka  hirgalay.Xusbiyadda dalka & bulshaweynta S/L  waxaan ka codsanaya Xubnaha ay u soo bandhigayaan ka mid noqshada Golayaasha in ay noqdaan,kuwa aad ay u soo baandheeyeen oo an hilmaami Karin oo 24ka saac u xaydan DANTA GUUD  wax kaqabadkeeda.Kuwo HAYBAD & KARAAMI BADAN LEHOO XALAAL QUUTAYAAL AH OO AN BALWAD LAHEYN.

Soo-jeedintani   waxay ku saleysan tahay oo kaliya HAMIGAYGA &FAKARKAYGA  ISKU-SOO SHARAXAAD DUQA CAASIMADA HARGEYSA.Illaa imimkana wey ka madhantahay ARAGTIDA koox ama Xusbi  waxkhtigan xadirka ah .

 

Haldoor Rashid Sulub caalin. Tele 4426781…[email protected]

Hargeysa.S/Land




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.