Tababarihii Xulka Kubada cagta Spain Oo La Eryey Maalin Ka Hor Furitaanka Koobka Aduunka Iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 13, 2018 13:51:23
Tababarihii Xulka Kubada cagta Spain Oo La Eryey Maalin Ka Hor Furitaanka Koobka Aduunka Iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay

Tababarihii xulka kubada cagta dalka Spain Julen Lopetegui ayaa laga eryey shaqada iyada oo tartankii koobka aduunku uu bilaabmi doono maalinta khamiista ah.

Tababaraha hogaaminayey xulka qaranka dalka Spain ee ka qayb galaya koobka aduunka ayaa laga eryey shaqada ka dib markii ay kooxda Real Madrid xaqiijisay inay u magacawday tababaraha badali doona Zidane.

Agaasimihii ciyaaraha ee dalka Spain Fernando Hierro ayaa loo magacaabay inuu tababare u noqdo xulka dalka Spian ee ku sugan dalka Ruushka, isaga oo ku hogaamin doona koobka aduunka ee bari furmaya.

Tababaraha cusub ee xulka dalka Spian Fernando Hierro ayaa ka mid ahaa xulkii dalkiisa ee ku




guulaystay koobkii aduunka ee la qabtay sanadkii 2010-kii, waxaanu wakhtigan ku qasban yahay inuu hogaamiyo kooxda qarankiisa oo ku jira diyaar garawgii ugu dambeeyey ee ay kaga qayb galayaan koobka aduunka.

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.