Waaxay Sababta Axmed Nuur Guruuje Dagaaladii Sokeeye iyo Waxii Dhib Dhacay uu Duasha uga Saaray Beesha Galbeedka Burco


(Hadhwanaagnews) Wednesday, June 13, 2018 08:51:53
W/Q: Mubaarik keyse Fooje

Qoraallo  halkiisa  Facebook  uu  ku Xardhaa waxa ka midd ahaa Maanasadda ku Qoran Guddaha Maqaalkan 
 
Kuma  taxni  Sidhawana  ulama  Socddo  Doodda  waayo  Kaaf  iyo  kala  dheeri  weeye  Midba  halkuu  laxanka  ka  Garaacaayo  taasi Midho  dhal  keeni  mayso  oo  waa Doodda 
 
Dulucdda  Qoraalkaan  usoo  laabanayaa  Midho  uu  leeyahay  ina Guruuje  Oo halkan  ku hayo ayaa Eeddi  dagaalkii  Sokeeye  ee  Somaliland   ka  dhacay  1994   waxa  uu  Dusha ka  Saarayaa  Beelwaynta  Habar Yoonis  
 
Waxaana  ka  midda  midha haa  Maansadda
 
"Dawaladii  Dhamayd  iyo Xilkii Duhurkaa Yaa Xooray .
 
Dadka




 yaa  Bahadilay  ee  Godkiyo Geliyay  Daaduunta  .
 
Diriraan  hubaysanay  Arrladda yaa Dadka  u Baaqay
 
Dabkii  Olloaly  yaa Dabad ka  tagay  Duniddi  Qiiqaysay
 
Arrladii  iyo   Dalkii  yaa  naceen  Dib  ugusoo  laaban ."
 
Kolkaaad  hadalkaa  dhuuxddo  dhan  kasto  u  qaaddo  ujeeddka  Nin  kan  waa Cadyahay  waana  ta  keenatay  in  Bulshadu  Aad  ula yaabto  hadalkan 
 
Guruuje   Nin  yar maaha  Oo  waa  Ragga  Maanta  40  Baarka  ka  jaray  taariikhaana  Sidda  Caruurtii  Sagaashamaadkii  La  Xanbaarsana  Loogama  Sheekayn ee  Goob Joog Xiligaa Daaman Waawayn ayuu  ahaa 
 
Hadaba   Qormooyinkiisa   Kolkuu  Sacab iyo jiib ka  rabbo  wiilasha  ay  kaftan  wadaaga yihiin ee  kasoo  jeedda  Galbeedka  hargysa waa lagu  yaqaana  u  Nacam  laynta waxoogga Libin  Siinta  ah .
 
Waxase    Gaf   ah   waxii  Danbi   dhacay  ee     masuuliydeedda    Raggi  lahaa joogaan  Oo     Muuse    Biixi  ka  Kow  ka  ahaa    inuu  ku  eedeeyo   Beesha iyo  Siyaasgii  Dalka  Xoreeye   Cabraxamaan    Axmed  Cali  Tuur  Oo  ahaa  Shaqsiyd   ku   Suntanaa  Maamul  wanaag  iyo  walaalayn Umadeed .
 
Xil   Doon  ama  Sacab  doon  hadaad  adoo  ah  Bulsho   dhan  tidhaa  Dabkii  Yaa  Shiday  Dadka   yaa  kala   Dilay  ?  waa  Musiibo   wana  hadalo    Bulsho   dhan   Damqay    Oo  walaalhood    tabasho   badan  ka  qaba .

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.