Talo Iyo Toosin.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, June 12, 2018 11:58:31
Waa Iga Dardaaran Hablaha Nursingka Ah Ayaa Inta Badan Aan U Naxariisan Bukaanka Maan Fahmin Waxay Ka Tahay Raga Nursingka Ah Marnaba

Aniga Oo Ah Muwadin Reer Somaliland Ah Kana Soo Jeeda Gobolka Togdheer Waxaan Bartan Fariin Ugu Gudbinayaa Dhamaan Shacabka Ku Dhaqan Gobolka Togdheer Iyo Masuuliyiintooda Golaha Deegaan Ee Ay Shaqadoodu Tahay Kashaqaynta Bilicda Gobolka Togdheer Iyo Hagaajintiisa Iyo Kordhinta Goobaha Adeegyada Aasaasiga Ah Ee Bulshada Lagama Maarmaanka U Ah Iyo Tayaynya Shaqaalaha Ka Hawlgala Goobaha Laga Fulinayo Adeegyada Bulshada Tusaale Ahaan Nursingka Jooga Goobaha Caafimaadku Waa Inay Yihiin Kuwo U Naxariista Bukaanka Waa Inay Noqdaan Kuwo Qancin Kara Bukaanka Waa Inay Noqdaan Kuwo Aan Dhibsanin Su'aalaha Uu Bukaanku Waydiinayo Sababtoo Ah Hooyo Wiilkeedii Ka Xanuunsanayo Ayaa Imanaysa Nin Xaaskiisii Ka Xanuunsanayso Ayaa Imanaya Isagoo Qofka Markii Horeba Isku Buuqsanaa Xaaladiisuna




Aanay Deganayn Hadii Qofkii Uu Miciinka Soo Biday Oo Ah Dhakhtarka Gaar Ahaan Nursingku Maagitaan Iyo Halkaa Naga Fadhiiso Sida Inta Badan Dhacda Ay Kala Horyimaadaan Dhibanihii Waa Mushkilad Xalkeeda In La Helo Ay Tahay 
Waa Iga Dardaaran Hablaha Nursingka Ah Ayaa Inta Badan Aan U Naxariisan Bukaanka Maan Fahmin Waxay Ka Tahay Raga Nursingka Ah Marnaba Kumaan Arkin Naxariis Daradaas Iyadoo Naxariistaba Hooyada Laga Helo Oo Ay Habluhuna Beri Hooyo Noqon Karaan Insha Allah Waxaan Rajaynayaa Mar Walba Ilaalinta Qalbiyada Dadka Jilicsan Inaynu Ku Dedaali Doono .

Goobaha Ay Tahay In Golaha Deegaanku Xilwayn Iska Saaraan.
• Goobaha Caafimaadka
• Goobaha Waxbarashada
• Goobaha Amniga 
• Goobaha Gargaarka Deg Dega Ah Sida Gargaarka Dabdamiska
• Goobaha Nadaafadda

Run Ahaantii Waan Ka Murugooday Amase Waan Ka Qiirooday Markaan Dhex Marayay Magaalada Burao Wadooyinkeeda Oo Aad Is Odhanayayso Shirkadda Intan Yar Qandaraaska Ku Qaadatay Hadana Sidan Udhistay Waa Shirkad Magaceedu Maxay Yahay Miyaanay Masuuliyiintu La Xisaabtamin Wallaahay Masuulkastaa Wuu Fahmayaa Dunidana Waxbay Kasoo Arkeenee Oo Waa Wada Aqoonyahan Inkastoo Aanay Aqoontoodu Waxba Inoo Tarayn Mar Hadii Aynu Ka Aradannahay Aqoontii Ay Ahayd Inay Ku Fahmaan Deegaankooda Iyo Dadkooda Kahadhay Dhigooda Gobolada Kale Ee Dalka, Lama Arag Wado Caynkan Oo Kale Shirkadi Udhisto Xitaa Shirkadda Bilaashka Kudhistay Ayaan Sidan Wax Udhisin Illeen Dunida Lama Arag Wadooyin Caynkan Loo Dhisaayee Mise Bilaashbay Intan Yar Inooku Dhiseen Waa Laba Su'aalood Oo Qof Walba Oo Muwaadin Ah Isla Markaana Jecel Horumarka Deegaankiisa Dhankastay Ahaataba Uu Ka Qalbi Jabayo Marka Uu Xaaladan Ku Arko Deegaankiisa Oo Ay Golihiisii Deegaanku Fadhiid Noqdeen Oo Wax Micno Leh Oo La Taaban Karo Aan Uqabanin Deegaankii Ay Magaca Iyo Maamuuskaba Ka Heleen Hore UMaynaan Aqoon Waxay Yihiin Balse Iminka Xubin Kasta Oo Kamid Ah Golaha Deegaanka Degmada Burao Waa La Yaqaanaa Miyaanay Unaxaynin Dadka Masaakiinta Ah Ee Iyagoo U Arkaya Inay Deegaankooda Wax U Tarayaan Codkoodii Siiyay Ee Milicda Utaagnaa Saacadaha Badan Sida Aad Ka Warqabtaan Burao Waa Gobolka Ugu Biyaha Badan Gobolada Somaliland Waana Nimco Ilaahay Loogu Mahadnaqo Hadaba Waxaa Iswaydiin Leh Golaheena Deegaanku Ma Ceel Biyoodbay Inoo Qodaan Halkay Wadooyinka Inoo Dhisi Lahaayeen Mida Kale Iyadoo Ilaahay Biyo Inooku Deeqay Miyay Garanwaayeen Golaheena Deegaanku Wadooyinka Halbowlaha U Ah Gobolka Iskugu Geeya Naf Iyo Maal Waxaad Haysaan Si Bilicda Magaaladu Umuuqato Xaqiiqatan Anigu Shakhsi Ahaan Waxaan Si Naxariis Leh Uga Codsanayaa Masuuliyiinta Golaha Deegaanka Inay Indho Naxariis Leh Ku Eegaan Degmada Oo Ay Hadba Meesha Ay U Arkaan Inay Wax Kaqabasho Deg Deg Ah Ubaahan Tahay Xooga Saaraan Oo Ay Cid Soo Uruurisa Xogta Dhabta Ah Iyo Dareenka Shacabku Ka Qabaan Golaha Deegaanka Sameeyaan Oo Aanay Noqonin Kuwo Ka Dhuumanaya Shacabka Oo Ku Farxaya Shacabkaa Aan Marnaba Soo Eegaynin Dhankooda Waxna Aan Waydiinayn Horaa Loo Yidhi "Nin Aan Hadlin Habartiina Qadisay" Iminka Sidan Ay U Muuqato Golaha Deegaanka Gobolka Togdheer Shacabka Way Qadiyeen Sababta Ay Kuqadiyeenna Wax Kale Maaha Ee Waa Aamusnaanta Aynu Xaqeenii Ka Aamusnay .

Shacabka Gobolka Togdheer Waxaan Waydiinayaa Dhawr Su'aalood.

1. Golaha Deegaanka Shacabku Ma Waxay Yidhaahdaan Guryo Noo Dhisa??

2. Golaha Deegaanku Ma Lacagta Laydhka Iyo Biyaha Ayay Inaka Bixiyaan??

3.Golaha Deegaanku Ma School Fee Ga Ayay Inaka Bixiyaan??

4.Golaha Deegaanku Ma Dhakhtarka Waxaynu Kutagno Iyo Dawooyinka Aynu Kasoo Qaadano Ayay Inaka Bixiyaan??

5.Ma Gaadiidkeena Shidaalka Aynu Kushubano Iyo Duqadaha Soo Gaadha Markay Wadooyinka Wax Ku Noqdaan Ayay Qarashka Inala Bixiyaa ??

6.Golaha Deegaanku Ma Caymisbuu Inakula Jiraa ??

7.Maxaynu Xaq Ugu Leenahay Inaynu Ka Helno Golaheena Deegaanka Ka Shacab Ahaan??

8. Wadooyinka Gobolka Togdheer Adigoo Xaqiiqda Ka Sheegaya Ma U Aragtaa Inay Yihiin Wadooyin Si Standard Ah Loo Dhisay??

9. Xaqa Codaynta Ee Muwaadinka Si Fiican Baa Loo Wada Fahmay Balse Si Fiican Looma Wada Fahmin Xaqa Deegaanku Ku Leeyahay Muwaadinka Gaar Ahaan Masuuliyadda 1aad Cida Ay Kasii Saaran Tahay Oo Ah Golaha Deegaanka Ma Saxbaa Mise Waa Khalad??

10. Ma Tahay Inaynu La Xisaabtanno Golaheena Deegaanka Inagoon Waxba Udhimaynin Sharaftooda Balse Jecel Inaynu Saxno Oo Toosino.

Maanso Mar Haday Sidaa Tahay.
• Golahaygiiyoow Gabalbaa Idiin Dumay 
• Garanwaydeen Godkiinii Gama'iisu Fiicnaa Giijiya Udbihiisoo Utudha Dadkiinee
• Dunidan Aynu Joognaa 
• Waa Mid Gudhaysoo
• Ruux Walba Camalkiisaa 
• La Caraabi Doonee
• Camalkaad Falaysaan
• Cidhibtiisa Fiiriya
• Maatadan Idin Cugatayee
• Idin Caleemo Saartayee
• Cisigaba Dhamaantii 
• Idiinku Cumaamaday
• Caqligiinii Wayda Ahaa
• Ma Caasiyay Xaqoodii
• Ma Duudsiyay Wanaagii
• Ma Hadaad Maraysaan
• Mar Hadaan Imi
• Meeshii Miranaysay Maanka
• Maskaxdana Aan Kuhayay Gam'ayee Idaaya
• Mar Haday Sidaa Tahay
• Anigaa Kanaxayoo Uhadlaaya
Shacabkee 
• Sanadahaa Is Gurayoo
• Beriba Waad Socon
• Mudadaadii Way Dhiman
• Ku Idlaa Xilkaaguyee
• Kadhamow Dadkaagoo
• Hakasii Dhuran 
• Dheeftaadii Waxaan Ahayn
• Dhaqankaa Diiday
• Diintaan Ogolayn
• Dulmiga Ninkii Fala
• Mar Haday Sidaa Tahay
• Sixitaanka Wixii Khaldamay
• Sida Suubanaad Yeesho
• Toobadiina Waa Furan Tahay
• Tawfiiqdana Allaa Hayee
• Utudh Naftaadoo
• Katanaasul Wixii Hore.

W/Q. Garyaqaan Abdiqani Abdilahi Ali Burao.

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.