Maxaa Ka Soo Kordhay Dagaalkii Shalay Ka Dhacay Tukeraq?


(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 16, 2018 11:31:11
Halkan Hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland ayaa shalay dagaal aad u qadhaadhi uu ku dhex maray deegaanka Tukeraq oo ay in muddo ahi ka talinaysay Somaliland, ka dib markii ay dhawr bilood ka hor guluf dagaal kagala wareegtay Puntland.

Dagaalka shalay oo ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland ayaa dhinaceeda sheegtay in ay dagaalkaasi ku gacan sarayso isla markaana ay ku qabsatay gaadiid dagaal oo ay Puntland leedahay.

Sidoo kale waxa ay Somaliland sheegaysaa in ay wax yar u jirto Duleedka Magaaladda Garoowe




isla markaana ay gaadhi doonaan xadkii ay Dawladii Ingiiriisku u jeexday Somaliland in ay leedahay.

Dhinaca kale Puntland ayaa iyana sheeganaysa in ay dib u qabsatay Magaaladda Tukeraq oo marka hore lagala wareegay.

Ma jiraan ilaa iminka warar warar sugan oo laga helayo dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka tukeraq, hasayeeshee ilo madax banaan ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay gaadheen deegaanka God Qaboobe oo wax yar u jira Garoowe , waxaana labada dhinacba soo gaadhay gurmadyo xoogan.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.