Dawlada Maraykanka Oo Ku Baaqday In La Joojiyo Dagaalka Tukeraq


(Hadhwanaagnews) Wednesday, May 16, 2018 07:29:16
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Dawladda Maraykanka ayaa ka hadashay colaada ka taagan Deegaanka Tukeraq taas oo u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland.

Dagaalkan oo shalay gelinkii hore halkaasi ka bilawday ayaa waxa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Qoraal kooban oo lagu baahiyay bogga xafiiska Hawlgalada ee wadanka Maraykanka ee Soomaaliya uu labada dhinac ee Somaliand iyo Puntland ugu baaqay in ay wada hadal ku dhameeyaan colaada dhexdooda.

"Waxa aanu dhiiri gelinaynaa in si dhakhso ah loo joojiyo colaada Tukeraq, waxaanan ka dalbanaynaa Somaliland iyo Puntland in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda yaala, wada hadalkaas oo ay qayb ka yihiin dhinacyadda arrimaha bulshadu  si




loo xaliyo dagaalka" ayaa lagu ydihi warkaasi kooban ee lagu baahiyay bogga xafiiska hawlgaladda ee wadanka maraykanku uu ku leeyahay soomaaliya.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.