Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Talaabada Laga Qaadayo Siyaasiyiin Ka Tirsan Oo Xukuumada Kala Qayb Galay Xuska 18-ka May


(Hadhwanaagnews) Tuesday, May 15, 2018 22:45:05
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo ka hadlay talaabada laga qaadi doono masuuliyiin sarsare oo ka qayb galay munaasibadii xuska 18-ka May ee ay xukuumadu soo hor marisay.

Siyaasiyiinta Maxamed Nuur Caraale(Duur) iyo xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye ayaa ka qayb galay munaasibada xuska 18-ka May ee ay xukuumadu qabatay 15-ka May, iyada oo xisbiga Waddani uu hore u sheegay inay xuska qabanayaan marka la gaadho 18-ka May oo kaliya.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed oo ka mid ah xisbiga Waddani ayaa ka hadlay talaabada ay ku kaceen xubnahan ka tirsan xisbigu waxaanu yidhi “Maanta waa 15-ka May, waana maalintii dhalinyarada soomaaliya loo dabaal dagayey ee SYL,




mana aha maalin khusaysa qaranka iyo dadkaba, xisbi ahaana mawqif cad ayaanu ka soo saarnay, cid kasta oo ka hortimaadana kuma matali karaan xisbiga.”ayuu yidhi siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed oo u waramay Eryal Tv.

Sidoo kale waxa uu sheegay inaanay ku matalin xisbiga ka qayb galka munaasibada 18-ka May “labadaas oday ee la sheegay inay tageen waa xaalad iyaga u gaar ah oo shakhsiyadooda ku kooban, xisbigana kuma matali karaan, xisbiguna go’aan ayuu ka soo saaray kaas ayaana lagu dhaqmayaa, habeenka 18-ka May anagu hambalyadii, taladii, afuradii iyo wixii la awoodo in la sameeyo ayaa dadku dibad iyo gudaba ku riyaaqsan yahay, iyada ayaa ahna 18-ka May oo ah maalintii aynu samaynay gooni ula soo noqoshadeena, inooma dhadhamayso 15-ka May oo qolo ayaa dabaal dega waana SYL oo Soomaaliya ayaa dabaal degta, anaguna 18-ka May ayaanu sugaynaa.”

Siyaasi Cabdilaahi Dahab ayaa sheegay in guddida anshaxa xisbiga loo gudbin doono siyaasiyiinta “Guddi anshaxa ah ayaa jira, odayaashaas xaalkooda mar haday xisbigii ka hor yimaadeen kolay arinkoodu eegis ayuu leeyahay oo waa in la sababeeyaa, hadii ay run tahay oo ay tageen isla markaan ay ogaayeen in xisbigu go’aan ka soo saaray  odayaal xisbiga ahna ay ahaayeen waxaynu eegi doonaa guddida anshaxu waxay ka yeesho, Waana  lagu khasban yahay in la eego arinkooda, meel la yidhi halaga joogo haday tageen ma haboona arinka ay qaateen.”

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.