Aano Waa Aaf!


(Hadhwanaagnews) Monday, May 14, 2018 08:17:30
Sida aannu samaynno sannad walba markay barwaaqo noqoto, aniga iyo dhammaan kuray-xoogllayaasha, doobabka, iyo nin walba oo haasaawe

Weligay kama talin doono xumaan, xasarad, iyo dagaal aan dad kuwaayo. Habeen qudha kumaan seexan kala fogaynta dadkayga. Aad baan unnecebahay colaadaha iyo dagaallada.  Inkastoo aan da’ahaan yarahay haddana, adduunka oo dhan nabad iyo nolol ayaan la jecelahay. Aabahay  ayaan badanaa la dhagaystaa  idaacadaha afka-somaaliga ku hadlla, aad baan uga xumaadaa markaan maqlo meel heblaayo dad baa lagu laayay.  Inkastoo ay dhagahayga ka buuxsantay qarax iyo rasaas dad lagu laayay, weligay maan arag meel dad ku dhinteen. Miyiga aannu naallo marar badan ayaa reero  isu hub urursadaan,  amarka Alle dad ayaa ku hagoogta oo marnna cidi si toos ah uma diririn.

Sida aannu samaynno sannad walba  markay barwaaqo noqoto, aniga iyo dhammaan kuray-xoogllayaasha, doobabka, iyo




nin walba oo haasaawe iyo haween doon ahi, marka geelasha la xereeyo, caano geelnna laga soo wada dhergo, ayaannu hadba meeshii ay ciyaari kajirto u ciyaar gudnnaa. Habeen walba reerkii hablo lagu tuhmayo ayaa laga ag botoriyaa.  Hablaha  qudhoodu waa soo ciyaar gudaan, oo hasaawe iyo hawraarba ka helaaan.  Islatagga ayaa bata barwaaqada, meesha ugu badan ee raggu ka gaataan ilaalayn kaddib waa ciyaarahan oo kale. Abaar iyo omos cidina isma guursato, oo cidwaliba noloshay la xarbiyaysaa.  Inkastoo aan habeenwalba cayaar gudi jiray haddana weli maan helin inantii aan ku hamiyi jiray.  Aabbahay ayaan talo iyo tusaale marwalba waydiisan jiray. Habeen annakoo geela horfadhina ayuu si kedis ah su’aal ii wayddiiyay. Waxa uu yidhi waar Rooblow horta aabbe miyaadan guurba hadal hayn siday waxkaa yihiin? Aniga qudhayda oo beryahaaba guux iyo gabadh raadis ahaa ayaa hadalkaasina dab igu sii furay. Odaygii aabbahay ahaa intaanan su’aashiiba ka jawaabin ayuu mid kale ii raaciyay o waxa uu yidhi; horta aabbe maxaad ku dooran lahayd qofta dumarka ah ee aad uxilanayso ama aad guursandoonto haddii Alle idmo? Laba su’aalod ayaa mar igu wada kulmay.

Waxa aan u holladay abbahay oo aan jeclaa in aan si hufan ugu jawaabo. Aabbe guur iyo guridugsoon in aan ka sootooso aad baan beryahanba ugu hamiyay. Haweenka waan indho indhaynayay, haddii aad iwaydiisay maxaad ku xulan lahayd gabadha, dee waa in ay tahay gabadh degmadaba wanaageeda laga yaqaan. Waa in ay qos wacan ka soo jeeddo.  Qiimo iyo quruxba waa in ay leedahay. Wax aan kaftan ahaan usii raaciyay, dee xoolaheenna badan mid raaci karta oo uqalanta waa in ay ahaataa. Aabahay madaxa ayuu ii ruxay wuunaku qancay jawaabtaas.

Habeenkaas kaddiba waxaan u qalab qaatay in aan guri yegleelo. Waxaan goobo gabadhii aan calmadayba, mid ina ragba ilaashado ayaan gacanta ku so dhigay. Aabbahay  Qawdhan geel iyo gammaanba wuu ka bixiyay. Aniga kaalo iyo  waxkaloo laysugu kay darayba xoolo meel gaar ah ufoofa ayaa lay soocoy. Marwadayda Timiro, waa gabadh dumarba gaadhiwayeen, inani waa hooyadeede ducoqabtadi dhashay ayaa  tacab badan gelisay.  Reerkii oo dhan baa u aayay.

Nabada iyo barwaaqo ayaan intaa ku soo leekaaday, marar badan waxaan ka odayeeyay dhallinyaro is afdhaaftay. Doorarka muuqda ee aan deegaannadayda ku lahaa waxa kamid ah nabadaynta. Doorkan anigoo intan ka yar ayaan qaatay. Welina waan wadaa.  Suldaan ma ihi xilkalena mahayo, waase arrin Alle igu ilhaamiyay. Dadka degeenku magacyo ayay iila baxeen, markii ay arkeen shaqadaas aan hayo. Magacyadaa waxa kamid ahaa, Oday, iyo Boqolle.

Noloshii way iisii wacnaatay wiil ayay iigu curatay xaaski barakada qabtay. Aabahay ayaa cawil u bixiyay.   Sidaas ayuu  magacaas ku qaatay, curadkaygii.

Habeen annakoo dhawr nin ah oo geela hortiisa sheeko iyo shaahba ku haynna ayaa xilli cilcillow ah waxa nasoo gaadhay Quulle oo orod gucle ah ku socda. Adeerkay  ayaa dhalay Quulle waana nin da’ahaan aniga igawayn. Nin ba’an oo dagaal iyo colaad jecel weeye. Markuu sidaa noosoo gaadhay, isagoo ay ka muuqato dhiillo ayuu nagu bilaabay war aanay dhagahaygu jeclaysan. War aan in badan maqli jiray haddase deegaankayga soo wajahay. War beddelay dedaankaygii iyo noloshii barwaaqada ahayd. War kalliifay in dooggii iyo caleentiii cidi daaqi waydo.

Quulle wax uu noosheegay in mid kamid ah ragga aannu tolka nahay  uu delay nin jufo kale oo aan iyada qudheeda xiktonahay.  Wuxuu noo raaciyay, in reerkii dilku ku dhacay dagaal u diyaar garoobeen oo ay innagu soo maqan yihiin. Hadalladiisii waxa aan kaloo ka xasuustaa, kaca, oo qoryaha doonta reerkana meesha ka rara. Intaas markii uu nadeeqsiiyay ayuu naga dhaqaaqay, si uu oosha oo dhan warka u gaadhsiiyo.

Dhulka ayaa nagu yaraaday jawigii iyo quruxdii nolosha ayaa xumaaday. Waxa aannu dhibanayaal u noqonnay ninkaas aannu magaca wadaagnno dilka u gaystay.

Waa dhaqan xun oo aannu leennahay in aan la raadsan danbiilihii, laakin ciddii ay isku haybnoqdaanba birta laga aslo.  Talo ayaa faro ka haadday gabadhaydu waa ummul, oo malmahaas uun bay Cawil dhashay. Qasab ayay noqotay in aannu qaxno oo meel beel hoosaadkaygu ku badnayd aadnno, si aannu u bedbaadnno. Waxa aannu ka qaxnay oo ka guurray nabaadkii iyo barwaaqadii aannu haysannay, meel abaar ah oo shuf ah baannu tagnay.  Sidaas kumay dhammaan ee habeen iyo maalin walba waxa na siga gaade. Waxa aannu ku noolayn in muddo ahba maato bixid iyo meel cidllo ah seexasho. Markaas ayaan xasuustay erayo kamid ah hees abwaan Hadraawi lahaa oo hablaha geeska la dhaho ( adigiyo go’aagaa hadba dhinac uguuroo barkintaad gabbood iyo gaashaan ka dhigataa…). Muddo ayaannu noloshaa ku noolayn, xoolahayagii iyo dadkiiba waa xumaadeen.

Waxa aan go’aan ku gaadhay in aan iskaga tago deedaankan iyo dadkan xumaaday ee colaadda iyo dhibaatadu hallaysay. Haddiiba waan waan iyo wax sheeg aan ka quustay haddii ninkii wax dilay ay diideen reerkii ninka laga dilay sababtoo ah in aanu uqalmin  ninkuu dilay, haddiiba ay ballan ku qaadeen nin magacleh in ay ugu aari doonaan.  Miyigii waan ka xidhxidhay waxa aan uguuray, tuulo aan sidaa nooga fogayn oo dadku wada dago. Halkaas ayaan markale nolol ka unkay aniga iyo marwadaydii oo markan laba wiil ii haysa Cawil iyo Colaad, oo intii aannu colaadda ku jirray dhashay.

Magaaladii ayaan isheeda fahmay dadkoo dhan ayaa iyaqaannay maddaama aan hore ugu soo shirtagi jiray. Cidllo seexashadii  iyo dhuumalaysigii baan ka raystay oo islaanataydii oo dugsoon baan lagga kagalaa.

Muddo kaddib ayaan gaadhi yar oo magaalada wayn  iyo tuuladaan deggenaa ukala shaqeeya iibsaday. Isagana indoor ah baan ku shaqayn jiray oo aan magaaladayda yar iyo tuulooyinka kaleba ugu soo rari jiray wixii ay doonaan.

Sannado kadiib, anigoo noloshaydan sidii tii waagii miyiga ugu riyaaqsan, ayaan adduunka si kedis ah uga baxay. Galab goor ay qorraxdu godka usii faana guaratay, salaaddii maqribnna loo wayso qaatay, ayaan imi halkii ay haddaydu taallay. Ma aan ogayn in halkani tahay halkii ugu danbaysay ee aan nolol ku arki doono, gaadhigii aan watay ayaan kadagay si aan alaab ugu rogo dad tuuladan gadan. Si ku talagal ah ayaa rasaas laygu furay, rag badan baa talo igu dilay. Aano ayaan udhintay ninkii habeenkii geeridiisa laysheegayay ayaa laydilay.  Waxa ay I dhaafiyeen carruurtaydii iyo xaaskaygii aan jeclaa.  Weligay cidnna maan dilin cidnna dagaalkood kamatalin. Magaca qabiil aannaan waxba wadaagin baan eeday. Waxa ay been ka dhigeen riyooyinkaygii iyo nabaddii aan ka shaqayn jiray. Haa noloshaydii waxa aan u wayay magaca iyo wanaagga aan bulshada kulahaa. Haddii aan manta joogi lahaa tolkay cidnna aanu hawdilana ayaan usheegi lahaa. cid walayba  ciddii godob kaa gashay raadso. Cidnna ha dulmiyin.

 

Mustafe Dhegey

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.