Hambalyo Maherwacan Oo Ku Socda Cabdirisaaq Sh. Cabdilaahi Askar iyo Muna Aadan Cilmidheere


(Hadhwanaagnews) Monday, May 14, 2018 06:59:33
Meherkoogu manta oo Khamiis ah 10/may/2018 uu ka qabsoomay Hudheelka (Hass Hotel)

HAMBALYO MEHER (AROOS)

10/May/2018

Guurkiinu guur khayr, gurigiinu guri nagi

Gacal Iyo Sokeeye Guurkiina Lagu Farax

1.       Abdishakur Eng. Gande   2.Dr. Mustafe Muumin  3.Prof. Maxamed Gobayare 4. Prof. Maxamed Jimcaale Bayle 5. M ukhtaar Ibraahim Axmed  6. Xaaji  Sh. Muuse J. Goodaad 7. Prof. Cabdiwahaab Sh. Cali 8. Cabdicasiis Carab Daa’uud 9. Cabdikariim Shirwac 10. Dr. Cabdiraxmaan Sh. Cisman 11. Ridwaan Ileeye 12. Ashraf Axmed Aar 13. Cabdiraxmaan Xadi 14. Aadan Geesh 15.     Xuseen Boonta 16. Guuleed  17.      Fu’aad   18.          Cabdinaasir Cali Saleebaan 19.        Axmedwali Daahir

Dhamaan asxaabta magacyadoodu




kor ku xusan yihiin waxay Hambalyo, Bogaadin iyo Duco u hibaynayaan Meherka (Arooska) Geesiga: Cabdirisaaq Sh. Cabdilaahi Askar iyo Gaarida: Muna Aadan Cilmidheere  oo Meherkoogu manta oo Khamiis ah 10/may/2018 uu ka qabsoomay Hudheelka (Hass Hotel) ee Magaalada Burco.

Guurkiinu guur khayr, gurigiinu guri nagi

Gacal Iyo Sokeeye Guurkiina Lagu Farax

Laba eynigood iska eegtayoo

iska aaminaa amaan mudanee

indha caashaqoo isku ooyayoo

is ilaashada amaan mudane

aroos galaa amaan mudanee

axdigey dhigteen u adkeystayoo

kalsooni abuuraa amaan mudanee

Lamaane in doora jaceylka adkeye

aheey nasiibku intuu u ekaaday

aleylahee amaan mudanee

aroos galaa amaan mudanee

ubax curdinoo is caashaqay baa

Gayaan is doortaa ehelku taamaa

aleylahee amaan waad istaahishaa

arooskooda aqal la siista

dhiga aslan iyo kabad la uunta

ubax udgoonana lagu daadiya

Eebow, adaa baadhigee

Eebow, Eebow ubad kheyr leh sii

Eebow, U adeega sii

Eebow, adeeca sii

Eebow, inamiyo gabdhaba

laba ka ilaalshay nacabka ildheeye

Eebow, arzaaqna sii Eebow

Umalka iyo dookha ilwaadka jaceylka

udgoon ku beerma amaan mudanee

Laba araamida imtaxaanka jaceylka

dhaqanku aroorshaa amaan mudanee

afka hooyo iyo hidaha asalka

u adkeystaybaa amaan mudanee

awlaada tusaa amaan mudanee

Bal eega eega ubaxani eega

abaabulka guurka nolol istareex leh

labeey u ahaata amaan mudanee

islamnima barayba amaan mudanaa

laba ubadkooda ku ababshay

Eebow, inamiyo gabdhaba

arkoo ila eega u adkeeystay eegaa

Bal eega eega caweey u ahaatee

Eebow, Eebow ubad kheyr leh sii

haloo tumaa ee Bal eega eega

    Eebow, U adeega sii

Eebow, arzaaq waasac sii

Eebow, adeeca sii

Eebow, adaa baadhigee

Eebow, arzaaqna sii

[email protected]

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.