"Anigu Waxaan Xaqiijinnayaa Inaan Kursigan Leeyahay, Ninkastaanna Wuu Ogyahay" Maxamed Muuse Abees


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 16:29:57
"Anigu Waxaan Xaqiijinnayaa Inaan Kursigan Leeyahay, Ninkastaanna Wuu Ogyahay" Maxamed Muuse Abees

Hargaysa(HWN):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abbees ayaa markii ugu horraysay daaha ka rogay innuu leeyahay Kursiga Kaydka Xildhibaannada golaha Wakiillada ee Xisbiga talada haya ee KULMIYE oo uu dhawaan ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Ibraahim Kacaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Maxamed Muuse Abbees ayaa sheegay inaan wax muhmal ahi kaga jirin innuu yahay Kaydka ugu horreeya ee Xisbiga KULMIYE, isla markaanna aannu Maxkamad iyo Guddiga doorashooyinka midna aannu tagayn , balse uu goobteedda marka la gaadho soo bandhigi doonno tiradda rasmiga ah ee uu haysto, waxaannu yidhi “Waxa ayaan-darro ah oo nasiib-darro ah Kursigani




Kursi Xukuumaddi leeddahay maaha, waa Kurraastii lagu tartamay ee Baarlamaanka oo hab qabaa’il ah loogu tartamay oo adduun badani ku baxay. Nin walbaaba wuu yaqaannaa Codkiisa iyo Sannaaduuqdii codka lagu ridday, iyadda taas halkaas u dhaafi maayo. Waxaanse caddaynayaa anigu waan tartamay, colkii aan ku guulaysanna waan ahaaa, ceebna maaha tartankuye waanna la guulaystaa, waanna la guuldaraystaa.” Ayuu yidhi Maxamed Muuse Abbees

Anigu waxaan caddaynayaa xogtayda ayaan haystaa cidna waydiin maayo, cidna ku eeddayn maayo, Komishanku wuu hayaa, Maxkamaddu way haysaa, Saddexdii xisbi ee tartamayna way haystaan, ninkastaaba waxa uu falaash ku haystaa goobkasta oo Somaliland ka mida codadkii uu ka helay, cod wixii aan ka helayna gacantaan ku haystaa, saacadda iyo goorta la doonnaayanna goobteeddaan la imannayaa, aniguse waxaan idin leeyahay codkani mid lagu tartamo maaha, mid saxaafad la geliyanna maaha ninkastaanna wuu ogyahay waxa uu helay, kuwii naga horreeyay ee fadhiyanna way yaqaannaan, kuwii Kaydka ku soo galayna way yaqaannaan, wax muhmal galayna ma jiro, waxa maanta muhmalka gelinnaaya kalsoonni daro ayaan u arkaa. Anigu Maxkamad ma tagin, Komishanna maan tagin, taginna maayo, waayo waxa aan leeyahay ayaan ogahay.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Maxamed Muuse Abbees oo la waydiiyay maaddaama Wakhtigii golaha wakiilladu wax yarri u hadhay, isla markaanna uu Wasiir ku-xigeen yahay waxyaabaha ku eryaaya innuu ka mid noqdo golaha Wakiillada Somaliland, waxaannu “Su’aashu maanta ma taagna Maxamed Muuse Abbees ma galayaa golaha Wakiillada mise ma gallaayo, waxa taaggan waxan ma leeyahay mise malaha, anigu waxaan xaqiijinnayaa Kursigan inaan leeyahay” Ayuu yidhi Maxamed Muuse Abbees

[email protected]

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.