Madaxwaynaha Somaliland Oo Tacsi Udiray Ehelkii Ay Ka Baxday Marxuumad Khadra Shukri Cilmi


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 09:49:37
Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka haweenka xisbiga Kulmiye, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariisteegudoomiyihii garabka haweenka xisbiga Kulmiye ee degmada Maxamed Mooge, Marxuumad Khadra Shukri Cilmi  oo caawa oo ay taariikhdu tahay 15/04/2018 ku geeriyooday, magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka haweenka Kulmiye, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo




iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

Aamiin Aamiin Aamiin

  Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.