Somaliland: Sababaha, Saameynta Iyo Seeteynta Sarrif Bararka ( Qeybta koobaad)


(Hadhwanaagnews) Monday, April 16, 2018 08:21:18
Qiime dhaca shillinka ku yimi marka loo eego lacagaha qalaad, gaar ahaan Doollarka oo ah minqiyaaska ugu weyn ee Sarrifka lacagta,

HORDHAC

Qormadeenii hore wax aynnu kaga hadalney Isirrada ugu waa weyn ee loo aaneeyo in ay sababeen Sicir Bararka iyo saameynta taban ee kor u kaca Sicir Bararku ku yeeshay heerka nolosha danyarta, shaqaalaha, dawladda, macalimiinta, askarta, ganacsatada heerka hoose/dhexe, dakhliga iyo kharashaadka dawldadda iyo koboca dhaqaalaha qaranka guud ahaan. Sidoo kale wax aynnu soo jeediney habka ugu haboon ee loo xakameyn karoama loo seeteyn karo dhibaatada sicir bararka. Qormadeenan maanta wax aynnu kaga hadli doonaa qaybt koobaad sababaha iyo saameynta sarrif bararka ama qiima dhaca shillinka, qaybta labaadna habka ugu haboon ee loomaareyn karo qiima dhaca shillinka.

MAXAA KEENAY SARRIF BARARKA/QIIMA DHACA SHILLINKA.






style="text-align: justify;"> Qiime dhaca shillinka ku yimi marka loo eego lacagaha qalaad, gaar ahaan Doollarka oo ah minqiyaaska ugu weyn ee Sarrifka lacagta, wax loo aaneeyaa in ay keeneen Doollar yarida suuqa soo wajahdey iyo Lacagtii shillanka ahayd ee xukuumaddii hore soo daabacdey, iyada oo aan ku salayn baahida iyo sahayda suuqa . Doollar yaridaas, waxaa xudun u ah Isku-dheellitir la’aanta Xaddiga Dhoofinta iyo Soo-dejinta (Balance of Payment and current account deficit). Wax hoos u dhaca ku yimi dhakhligii dhoofinta xoolaha laga heli jirey, lacagtii xawaalladaha iyo tii hay’adaha caalamiga ah dalka soo galin jireen. Waxa intaas raacda, jahwareerka ama xasilloonidarradii uu ku sifaysnaa suuqa ganacsiga/maalgashigu, ka hor iyo kadib safar kii dheeraa ee doorashadii 13 November, 2017 iyo abaaraha dabada dheeraadey ee saameynta ku yeeshay wax soosaarkii waddaniga ahaa iyo kharashaadka dawladda ee aan laga fuudhyeelin baahiyuhu sida ay u kala mudan yihiin. Taa cakiskeeda wax aad u kordhey wax aynnu soo dhoofsano iyo lacagtii adkeyd ee diba inooga baxasay. Tusaale ahaan sannadihii 2011-2015 sonkorta dibada laka keenay wax ay korodhay 56.5%. Bariiskuna 22.1% iyo daqiiqda oo korodhay 96.3% sidoo kale khudaarta inooga timaadda Ethiopida 57% intii u dhaxaysay 2014 ilaa 2015 (xogta maamulka dekedda Berbera iyo Wasaaradda qorsheynta SL). Taa waxa soo raaca arrinta gansiga qaadka ee ah in lacag doollar ah Ethiopia lagaga keeno, lacagta adage e Shirkadda DP World dalka ka saarto iyo Dawladda oo lacag adag sannad walba dalka kasaarta, iibsiga gaadiidka iyo mishiinada oo kaliya ayaa Miisaaniyaddii 2017 loogu talagaley lacag qadarkeedu yahay $ 1,035, 000 sidoo kale Xukuumaddii hore wax ay diiradda saartey dhismayaasha iyo mashaariicaha la xidhiidha kabayaasha-dhaqaalaha kuwaas oo badi qalabkii iyo gaadiidkii loo isticmaaley lacag adag dibadaha lagaga soo’iibiyey, taasina wax ay sii xoojisey isku-dheellitir-la’aanta xaddiga dhoofinta iyo soo-dejinta.Issirka kale ee mihiimka ahi waa qaab dhismeedka nidaam ganacsiyeedkeenna. Somaliland ganacstada ugu waaweyni waxa ay ku howlanyihiin wax soo dejin ama hawlo ganacsi oo aan dalka soo gelineyn lacagta qalaad.

Saameynta Sarrif bararka

 

Tayo beelka ku yimi shillinka labadii sanno ee u dambeeyay, waxuu si taban u saameeyay dhaqaalaha qaranka guud ahaan. Marka aynu eegno natiijada halbeegga qiimaha iibsadaha          (CPI) ee ay soo saartay waaxda Statistics-ka ee wasaaradda qorsheynta Somaliland January 2013 ilaa December 2017, waxa ay ina tusinaysaa dhammaan wakhtiyadii la cabbiray halbeegyadaas in qiimaha cuntooyinka uu mar walba aad uga sarreeyay waxyaabaha aan cuntooyinka ahayn. Sannadkii  2016 ilaa 2017, qiimaha cunnadu waxuu ahaa mid aan marna saldhigan.Tusaale ahaan, halbeegga qiimaha cuntada ee December 2017, waxa uu ahaa 166.11, halka sannadkii ka horreeyay ee December 2016 uu ka ahaa 140.6. (CPI report 2017).

 

Marka aynnu eegno natiijada halbeegga qiimaha iibsadaha(CPI), waxa inoo caddaaneysa in  Somaliland uu ka jiro Sicir-barar Maciishaddeed oo aad u sarreeya taniyo markii aynu lasoo noqonay Madaxbanaanideenna, mushkiladda Sicirka iyo Sarrif Bararaku way soo jireen, laakiin qiimaha maciishaddu taariikh ahaan wax uu kor u kici jirey si aayar aayar ah, hasayeeshee seddexdii sanno ee u dambeeyay qiimaha maciishaddu aad ayuu sare ugu kacey,  mana jirto saansaan muujineysa hoos-u-dhac kale. Sicir bararka maciishadda ee wakhtigani, waxuu sababey in dhammaan qiimihii quutal-darruurigu si xawli ah sare ugu kacey, halka qiimaha cuntooyinka qaar ay libinlaabmeen wakhti aad u yar guddohood.Arrintaasi, waxa ay si taban u saameysay heerka nolosha qoysas badan, gaar ahaan kuwa danyarta ah.Tusaalle, sida dadka mushaharka yar qaata, iyo kuwa mushaharka ku qaata lacagta maxalliga ah (Askarta iyo Macalimiinta) iyo sidoo kale kuwa dhakhligoodu xadidan yahay markii dakhligii iyo mushaharkii ay waxba u go’ayn waayeen.waxkale oo ay horseeday in ay ka sii darto heerka saboolnimda dalkeennu.

“Cashuuraha siddeed-laabmay waa, saaca waayaha’e;

Safrad iyo shaqaalii wataa, suuqday gaajaduye,

Sacab iyo af kama soo hadhaan, silicay qaataane,

Sed kaleeto daayoo ma jaro, shilinku saabbuune”. GAARRIYE (AHN) – SAXANSAXO- (17/10/1987).

Ahmed Cabdilaahi Cumar (Diini)

Hargiesa Somaliland

[email protected]

0633030031

 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.