Xisbiga Ucid Oo Eedeeyey Guddida Sicir Bararka, Kana Hadlay Safar Gudoomiye Faysal Ku Joogo Itoobiya Iyo Xukunka Abwaanad Naciima


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2018 20:02:50
Xisbiga Ucid Oo Eedeeyey Guddida Sicir Bararka, Kana Hadlay Safar Gudoomiye Faysal Ku Joogo Itoobiya Iyo Xukunka Abwaanad Naciima

Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa si adag uga hadlay sicir bararka sii baahaya ee dalka ka jira iyo xukun lagu riday abwaanada Naciima Qorane oo in mudo ah xidhnayd.

Xoghayaha warfaafinta xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Yuusuf Kaysa Cabdilaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sidoo kale ka war bixiyey safar uu gudoomiye Faysal ku joogo dalka Itoobiya.

Xoghaye Yuusuf Kayse oo ka hadlaya sicir bararka dalka ka jira iyo halka ay ku dambeeyeen guddidii loo xil saaray xal u helidiisa ayaa waxa uu yidhi “Sicir bararka xisbi ahaan waxaanu aaminsanahay inaanu aafo qaran ahayn mana ahaa masiibo meel kale ka timid waxa




weeyaan maamul xumo kaas oo sida loo daweeyaa ay fududahay, guddidii loo xil saarayna way la anbatay hawshaasi, madaxweynahana waxaan leeyahay daasadii caanaha ahayd ee $18 ahayd waxay hada maraysaa $24 ayey maraysaa, dadkii danyarta ahaana waxay u dhaw yihiin inay dalkan ka haajiraan.”

Xoghaye Yuusuf Kayse oo hadalkiisa sii wata ayaa ka waramay safar uu gudoomiyaha Ucid ugu baxay dalka Itoobiya iyo ujeedadiisa waxaanu yidhi “Gudoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu khamiistii safar shaqo ugu baxay dalka Itoobiya isaga oo kula kulmi doona madaxda dawlada federaalka ah ee Itoobiya, ururka midawga Afrika iyo dublamaasiyiin beesha caalamka ka socota ee matalaysa aduunyada, isaga oo kala hadli doono sidii caadada iyo dhaqanka u ahayd arimaha qaran ee somaliland, waxaanu ku sugnaan doonaa ilaa salaasada todobaadkan.”

Sidoo kale xoghaye Yuusuf Kayse ayaa ka hadlay xukun maxkamadu ku riday abwaanad Naciima Qorane waxaanu yidhi “Waxaan aad u cambaaraynayaa kiis saaka la xukumay, inanta Naciima la yidhaa  oo lagu xukumay sadex sanadood oo xadhig ahi, iyada oo lagula xukumay tacadi iyo jidh dil, waxaana arintaas sameeyey ciidanka sirdoonka iyo ciidanka CID-da sida ay iyadu maxkamada dhexdeeda ka tidhi anaga oo ka mid ahayn dhagaystayaasha maxkamada.”

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.