Cuqaasha Iyo Wax Garadka Gabiilay Oo Fariimo Is Barkan U Diray Madaxwaynaha Somaliland


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2018 17:46:43
Cuqaasha Iyo Wax Garadka Gabiilay Oo Fariimo Is Barkan U Diray Madaxwaynaha Somaliland

Gabiley(HWN)-Qeybo badan oo kamid ah Waxgaradka iyo Duqeyda Gobolka Gabiley ayaa markii u horeysay ka Hadley,in aan laga qeyb galin Beesha Madigaan oo kamid ah Beelaha degga Somaliland,gaar ahaana Deegaanada Gobolka Gabiley,saamiga Golaha Xukuumada oo ay xaq iyo xuquuq u leeyihiin,in ay lamid noqdaan beelaha kale ee Deegaanka ku ah Somaliland.

Odoyaasha iyo Waxgaradka Gabiley waxa ay ka xogwarameen in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka warhayo doorka ay ku lahaayeen halgankii Snm oo ay beel ahaan kasoo qeyb qaadateen kadib markii ay Duqeyda,Waxgaradkooda,Aqoonyahankooda Madaxdhaqameedkooduba go,aansadeen in aaney Taariikh xun qaadanin,oo ay isbarbar taagaan walaalahooda ay isku deegaanka yihiin,ee ay dhal iyo dhaqasho la wadaagaan ee Beesha Isaaq oo Xukuumadii Milatariga aheyd culeys iyo cabudhin




saartey kana codsatey in ay hubeeyaan oo ay dagaalka dhinac ka ah la galaan.

Ibraahim Axmed Xasan(Sangal),oo kamid ah Waxgaradka Gobolka Gabiley ayaa si qotodheer uga Hadley Taariikhda Gobanimo,ee ay ku suntan tahey Beesha Madigaan in ay mudan yihiin in saamigoodii laga siiyo Xukuumadda taas,oo ku qurux badan in ay dadka ay la deegaan yihiin marka hore ka hadlaan oo Madaxweynaha Xasuusiyaan marka labaadna dadka Reer Somaliland oo dhami bari iyo Galbeedba u hadlaan, maadaama Madxweynuhu ka xoghayo Taariikhdooda iyo dadnimadooda iyo isirnimadoodaba.

“Anigoo ah Ibraahim Axmed Xasan(Sangal),kana soo jeeda Gobolka Gabiley,Waxaan halkan ka cadeynayaa in loo baahan yahey in Beesha Madigaan helaan xaqooda iyo Xuquuqdooda uu siiyay Dasruurka Somaliland oo Saamigooda ka helaan Xukuumadda Madaxweynuhu waa ogyahey,waana yaqaan hadii uu ilowsan yaheyna,waan Xasuusinaynaa,waxaanu leenahey Madaxweyne dib ugu noqo oo eeg in ay beesha Madigaan saamigooda ka hesho Xukuumadaadda Reer Gabiley,odey caaqil iyo Siyaasiba, waxaan usoo jeedinayaa, in aaney indhaha ka qarsane Madaxweynaha iyaggaa isku beel ahe”Ayuu yidhi Ibraahim Axmed Xasan(Sangal),oo kamid ah dadka caanka ka ah Gobolka Gabiley.

Caaqil Axmed Cabdilaahi Xareed(Weerar),oo kamid ah Cuqaasha Gobolka Gabiley,oo isaguna ka Hadley Taariikhda iyo milgaha ay Shacabka Somaliland iyo Gobolkaba ku leeyihiin beeshani ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Somaliland cod dheer ugu gudbinayaan in uu hoos u eego oo saamigii ay Xukuumadiisa ku lahaayeen Siiyo beesha Madigaan.

“Xuquuqda Beesha Madigaan ma aha mid lagu koobi karo  hadal iyo qoraal midna haseyeeshee,waxaanu Markhaati  uga nahey,in ay u badeleen hubeyntii la doonayey in ay cadaw u noqdaan dadkii la Degganaa mid ay ku tagaabo iyo Taakulo kula barbar joogsadeenn go,aankaas oo maxastii iyo maatadiiba kaga badbaadeen cadawgii faqashta halka kaliya ee ay irkadaan iyo halka ay magansadaana noqotey Beesha Madigaan ee Deegaanka ku ah Gobolka Gabiley iyadoo lawada ogyahey in Deegaankaasi kamid ahaa goobihii ugu xasaasiga adag ahaa ee dagaalka sokeeye,iyo kii Dawlladuba isku lamaaneeyeen,u sheegi mayno Madaxweynaha arimahaasi wuu ogyahey waxaanuse leenahey Madaxweyne Codsi dheer ayaanu kuugu soo gudbiney ee xaqooda iyo Saamigoodaba hala siiyo Beesha Madigaan”Ayuu yidhi Caaqil Weerar.

Sikasta,oo ay tahey Beesha Madigaan oo kamid ah beelaha Degga Somaliland ee Xaqqa iyo xuquuqda aasaasiga ah ku leh dalka iyo dadka Somaliland,ee codkooda dhiibta inkastoo aaney hore uga helin saamiga ay mudnaayeen Xukuumaddii hore ee Xisbiga Kulmiye ee uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo,waxa ay rajo fiican ka qabeen Xukuumadda xiligan ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay balanqaad iyo beer laxawba ka haysteen in uu ka qeyb galin doono Xilalka Qaranka ee loo siman yahey,iyagoo taageeradoodii iyo codkiiba shuruud la,aan ugu hibeeyay haseyeeshee,waxa falaadh ku mudan ku noqotey waayeel iyo caruurba dadweynaha beeshan kasoo jeeda sida aaney marnaba uga soo bixin liisaskii dhaadheeraa ee hordhacyadii iyo gunaanadkii Digreetooyinkii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku taxey beelaha Somaliland degga Saamiga uu ka siiyay Xukuumadiisa.

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.