"Madaxweyne Muuse Biixi Oo Cusub Waxaan U Rajaynayaa In Aanu Xukuumadiisa Cusub U Bilcanin Rabshad" Boqor Buur Madoow


(Hadhwanaagnews) Sunday, April 15, 2018 17:03:59
Halkan hoose kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Carmo (HWN) – Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madoow ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u soo jeediyay in aanu xukuumadiisa Cusub Dagaal ay la gasho Puntland U Horseedin.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in la kala qaado Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland oo isku hor fadhiya deegaanada hoos yimaada Tuko Raq.

Boqor Cismaan oo Degmadda Carmo kaga qayb galayay Xaflada Caleemo Saarka ugaas cusub ayaa yidhi

“Madaxweyne Muuse Biixi oo cusub waxa aanu rajaynaa in aanu xukuumadiisa ku bilcanin rabshad iyo colaad, nabadgalyo in uu ilaahay noogu dhameeyo, cabdiweli oo maanta madaxweynaha umaddan (Puntland) ahna waxa




aan u rajaynaynaa in hadii uu soo noqdana nabad galyo ku soo noqdo uu madaxweyne nabadeed noqdo, hadii uu tagana uu madaxweyne nabadeed uun noqdo, labadubana ay wanaag inoo horseedaan.

Waxa kale oo aanu u soo jeedinaynaa ciidamada in la kala qaado, maanta uma baahnin ciidamo is hor fadhiya, ciidamada in la kala celiyo ayaanu cid walba u soo jeedinaynaa” Ayuu Yidhi Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madoow.

Hadhwanaagnews/Office

Hargeysa/Somaliland

[email protected]




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.