Ganacsade Maxamed Yuusuf Aloore Oo Kamid ah Mulkiilayaasha iyo Maamulka Shirkada Telesom Oo Fariin Garnaqsi iyo Codsi ah Udirey Madaxweynaha


(Hadhwanaagnews) Wednesday, March 14, 2018 00:29:09
Maxamed Yuusuf Aloore,oo markii u horeysay noqdey sarkaalka Katirsan Shirkada Telesom, ee fariin noocan oo kala ah

Hargeysa(HWN)-Maxamed Yuusuf Axmed (Aloore) oo katirsan Saraakiisha ugu sareysa ee Somaliland Shirkada Isgaadhsiinta Telesom iyo Baanka Salaama islamarkaana, kamid ah Ganacsatada Waaweyn ee Somaliland ayaa fariin adag u gudbiyay Madaxweynaha Somaliland isagoo, ku garnaqsadey in  Xukuumadihii Xisbiga Kulmiye ee isaga dambeeyay, talada dalka ay Shirkada ku sameeyeen dabaro dhinaca Ganacsiga ah oo horjoogsadey Hurumarka Shirkada Isgaadhsiinta Somaliland ugu Weyn ee Telesom.

Maxamed Yuusuf Axmed (Aloore),oo noqdey sarkaalkii u horeeyay,ee Katirsan Shirkada Isgaadhsiinta ugu Weyn Somaliland Ee Telesom, oo Si Badheedhe ah daaha uga Feyda Culeyska iyo Cadaadiska La Saarey Shirkada Telesom Tan iyo Xukuumadihii kala Dambeeyay ee Xisbiga Kulmiye kasoo baxa islamarkaana, sheegay in Shirkado kale daraadood Culeyska loo saarayo isagoo cadaalad daro ku Tilmaamey jabineysa Dastuurka Somaliland ee




Loo Siman yahey.

Isagoo arimahaa ka hadlaya Waxa uu Hadalkiisa Ku Bilaabey. “Awalan Waxa aanu u cabaneynaa illaahay Subxaanahu Watacaalle,e Marka Labaad Waxaanu cabasho u gudbineynaa Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,waxaanu leenahey Mudane Madaxweyne Miyaannaan aheyn Muwaadiniin ,Ma  ajaanib ayaannu naheyy xaggeenu ka nimid miyaannaan Muwaadiniin aheyn, miyaannaan Madaxweyne Maalgashi dalka Galinin,aad iyo aad u fara badan oo maanta haddaanu meelo kale tagi laheyn dhalashooyin nala siin lahaa, Waxaannu leennahey Madaxweyne Arintayadda hoos u eegg oo arintu waxey aheyd shilinka Somaliland ayaa kor loo qaadayaaye”Ayuu yidhi Maxamed Yuusuf Aloore.

 

Waxaannu intaa ku darey hadalkiisa “Caqabaddaha waxa kamid ah Dawlladihii kala dambeeyay,ha ubadnaato Dawlladihii Kulmiye Dawllada maanta joogta iyo Dawlladii ka horeysay Labaduba waxey, aad iyo aad socodkeeddii dib u dhigeen Telesom, Waxaa iyadduna Caqabaddaha Shirkada Telesom haysta kamid ah, ee Dawllada imika jirta iyo tii ka horeyseyba ku taagan yihiin Korontadii Shirkadda oo aan loo ogoleyn in ay xadhko jiido,waxa kale oo kamid ah Dhibaatoyinka Shirkadda haysta kadib markii ay Shirkadu sidaa Aragtey,waxey doonattey CABLE oo ay soo xidhattey waxaa loo diidey,ogolaanshihii ay Barigga ku keeni laheyd dabeeto,Cablekaasi wuxuu ku jiraa Badda dhexdiisa Waxaana loo diidan yahey in ay Barigga soo dhigato”Ayuu yidhi.

Sidoo kale Waxa uu Maxamed Yuusuf Aloore si adag isku dul taagey,in Sharciga loo jabiyey Shirkado kale isagoo farta ku fiiqaya Xukuumaddii Siilaanyo iyo Shirkada Somcable isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi.

“Waxaa Sharciga loo jabiyey oo ay Dawlladii Siilaanyo u jabissey,Somcable ayey sharciga u jabisey,sharcigii dalka yaaley ee distoorka ahaa ee inakka wada dhexeeyay ee qofna aannu qoff ka sareynin ayaa loo jabiyey, Baarlamaankanna waalla la dhex dhigey,Baarlamaankuna gacantuu u taagey,sidaasuu Sharcigaassina u noqdey mid Telesom ku jiifsadda”Ayuu yidhi Ganacsade Maxamed Yuusuf Aloore.

Geesta kalena Waxa uu xogwaran kooban ka bixiyey Maxamed Aloore Shirkada Isgaadhsiinta Telesom, iyo faa,iidooyinka ay dala usoo kordhisey mudadii ay jirtey Shirkadani isagoo carabka ku dhuftey in ay ka shaqeeyaan Muwaadiniin fara badan oo markii hore bilaa shaqo ahaa.

“Shirkadda Telesom marka koowaad Shaqaale fara badan ayey dalka au abuurtey,taasina waxaan u maleynayaa cid maanta isku diideysaa inaaney jirin,waxey isku xidhey Gobolada iyo Degmooyinka dalka Somaliland waxey sumcad weyn, usoo jiidey dalka Somaliland,waxey soo kordhisey cashuur badan maadaama ay tahey Shirkadda ugu cashuur bixinta badan dalka”Ayuu yidhi.

Isagoo ka hadlaya in ay Shirkadda Telesom joojineyso,isticmaalka adeega Zaadka ee wixii ka yar Boqolka lacagta Dollarka waxa uu yidhi.

“Hadii danta mujtamaca iyo bulshadu kujirto,oo sixir barar ay dajineyso kuwa helayaanu kamid nahey caruurahayagii wey joogaan,anagaa kamid ah kuwa sixir bararku haysto annagu laakiin uma qabno,aqoon ahaan iyo inta aanu daraaseynay in Zaadku Sixirbararka wado,laakiin annakoo amarka Dawllada qaadaneyna' Waxaanu aqbalney inaanu joojino”Ayuu yidhi.

Gabagbadiina Waxa uu Ganacsade Maxamed Yuusuf Axmed (Aloore) si toos ah isku dul taagey halka ay caqabada weyni hada ka taagan tahey oo ah  in amuurta ugu weyn ee ay Shirkad ahaan u arkaan, lama qaataanka yo Cadaalad Daraddu tahey in Sarrifkii lagu joojinayey Sixirbararka islamarkaana, ay u joojiyeen isticmaalka Adeega Zaad ee wixii kayar boqol Dollar iyadana loo Diidan yahey.

Talaabadan Xukuumaddu ku qaadey Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa dad badani u arkaan in ay tahey, mid sigaar ah loogu bartilmaameedsanayo, taas oo marka gees kale laga eego dan u ah Shirkadaha kale ee Isgaadhsiinta ka bilaabey Somaliland indhawaale iyagoo,dadweynuhu si adag uga hadlaya islamarkaana, Cadaalad daro aad u culus ku baahinaya Goobaha Bulshadu ku kulanto ee Baraha Facebook, islamarkaana, durba abuurtey Muran Xoogan oo tafaraaruq sababi kara.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(Cabdiraxmaan-hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected]

 

 

  

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.