Beesha Geel Qonnof oo Beennisay in Beelaha Muuse Abokor Si ku-Meel-gaadh ah Suldaan U Doorteen


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 21:37:19
Beesha Geel Qonnof oo Beennisay in Beelaha Muuse Abokor Si Meel-gaadh ah Suldaan U Doorteen

Hargaysa(HWN):-Cuqaasha, Odayaasha iyo Waxgaradka beesha reer Yuusuf (Geel Qonnof), ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay in Beelaha Muuse Abokor ay si ku meel-gaadh ah ugu dhiibbaan Xilkii dhaqan ee Suldaan-nimada beelahaas, kaasoo ay sheegeen inaanay jirin meel beeshu isugu timid oo go’aankaas lagu gaadhay.

Haddaba, beesha Geel Qonnof oo arrintaas kaga hadlay Bayaan ay soo gaadhsiiyeen Warbaahinta Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, waxa uu u dhignaa sidan

“Annagoo ah Cuqaasha,odayaasha iyo waxgaradka Beesha reer yusuf (Geel Qonof) waxaanu si adag uga soo horjeedna.tixraaca qoraalka ka soo baxay qaar ka mid ah Cuqaasha iyo odayaasha beelaha Maxamed Fanax iyo Af-yare




ee Muuse Abokor ,kaasi oo ujeedadiisu tahay inay si ku meel gaadha oo ka baxsan dhaqanka iyo milgaha beelaha Somaliland,ay ku sheegeen inay si ku  meel gaadh ah ugu magacabeen,Ahmed Cali Muuse  uu Yahay ku sime Suldaanka Muuse Abokor.

Qoraalkaas oo  ay ku socod siyeen saladiinta beesha arab isla markaan ay ogaysiyeen wasaaradda arimaha gudaha ,waxaanu usheegaynaa cid kasta oo  qoraalkasi soo gaadhay inanu ahayn  mid sharci ah oo laysku wafaqsan yahay Loona dhamaystiran yahay,waxanan u aragna inay  tahay mid dan  gaar ah laga leeyahay,isla markaana khilaaf iyo iska hor imaad ku keenayso beelaha muuse abokor oo hore u boqoray,Boqor Ciise haybe khayre .

Sidaas darteed waxaan Beesha muuse abokor iyo Dawladda usheegayna inay si dhakhsa ah usoo farageliyaan

Hadii kale ay arintaasi ka dhalan doonto cawaqib xumo ku keenaysa Beesha Muuse abokor iyo nabad galyada qaranka somaliland..

         XUBNAHA REER YUUSUF MUUSE ABOKOR.

  1. Chief caqil osman abdilahi ali
  2. Caaqil farhan mohamed muhumed
  3. Oday .Yuusuf mohamud dubad
  4. Muj.Ahmed omer ali
  5.  Mawliid mohamed shaqale ( siyaasi fatoor)
  6. Prof.Mohamed huusien Hassan  (dhago)
  7. Dr.Hassan khadar sh mohamud
  8. Eng.Bedel cawaale Abdilahi          
  9. Mohamed mohamud ismail
  10. Jibriil yuussuf awbarre
  11. Ali Adan hassan
  12. Abdirahman hussien Abdilahi
  13. Mohamed Ali mouse
  14. Ibrahim Abdilahi farah
  15. Rashiid yuusuf mohamud
  16. Iiman Hassan muhumed
  17. Ismail balayax gardaase
  18. Osman Aw muhumed shire
  19. Hassan haybe Khayre
  20. Soofe Abdilahi Ali
  21. Abdi farah colow
  22. Hassan Askar colow
  23. Ahmed Ali garas
  24. Faysal mohamed shaqale
  25. Ahmed Hassan muuse
  26. Ahmed mohamed muhumed
  27. Yuusuf  ismail Abdilahi
     
    Warqadda ay Soo Saarreen Guddiga Muuse Abokor ee beesha Geel Qonnof Beenisay inaanay jirin  

 

ALLA                       MAHAD                        LEH

 

Hadhwanaagnews,Office

Hargaysa,Somaliland

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.