Somaliland Dhaqdhaqaaqyada Sayladaha Iibka Gaadiidka Oo Sanadka Walba Kor Uga Sii Socda Halkii Hore iyo Doorka Dubai Motors


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 19:23:34
Macradada Iibka Baabuurta oo Saameyn weyn ku leh Caasimada Hargeysa,khusuusana kuwii ugu horeeyay,ayaa iyagu, kor uga

Hargeysa(HWN)-Ganacsiga suuqa xorta ah ee Somaliland,ayaa ah mid si xawli ah ku socda oo sanadba sanadka ka dambeeya talaabo hore uga sii qaadaya halkii hore,iyadoo siweyn looga dareemo inta badan Qeybaha kala duduwan ee Ganacsiga labaatankii sanadood iyo intii ka dambeysay ka hana qaadey Gudaha Dalka.

Macradada Iibka Baabuurta oo Saameyn weyn ku leh Caasimada   Hargeysa,khusuusana kuwii ugu horeeyay,ayaa iyagu, kor uga sii socda halkii hore maalinba maalinta ka dambeysa, kuwaas oo wakhti xaadirkan maraya in ay dalka keenaan Gaadiid ka casrisan kii Caasimada lagu watey afar sano ilaa sadex sano intii ka horeysay,kuwaas oo kamid ah kuwa lagu wato Dunida Caalamka, islamarkaana, qeyb ka ah hurumarka Ganacsiga,ee talaabada hore oo qeyb ka ah halka ay maanta mareyso Somaliland




dhinacayda hurumarka iyo Koboca dhaqaalaha  oo Somaliland la jaan qaadeyso Dunida Caalamka, inkastoo,aynaan ku xusi Karin wakhtigan noocyadda Gaadiidka casriga ah ee Noocii u dambeeyay.

Maamulaha Macradka Caanka ah Ee Dubai-Motors Isaxaaq Aadan Cismaan oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga waramey, doorka ay ku leeyihiin Ganacsiga Somaliland iyo hurmarkiisa dhinaca Ganacsiga baabuurta oo wakhtigan maraya meel aad u fiican islamarkaana, ay ku keenaan caasimada Tan iyo intii ka dambeysay markii ay iikhtiraaceen iibka Baabuurta baabuur ka jaban kuwii wakhtiyadii hore laga iibsan jirey,sidoo kalena ka casrisan, oo ka tayo wanaagsan.

“Anaku haddaanu nahey Maamulka Macradka Dubai-Motors oo kamid ah kuwii bilaabey iibka Baabuurta, islamarkaana, kamid ah kuwa ugu caansan Caasimada Hargeysa waxaanu,leenahay Alxamdulilaahi halkii aanu kasoo bilawney iyo halka aanu maanta taaganahey,iyo duruufihii adkaa ee naga soo waajahey iibka baabuurta iyo danta Bulshada Somaliland, waxaanu maanta mareynaa halkii aanu illaahay ka baryeynay oo ah Baabuur casri ah iyo qiime boqolkiiba boqol ka jaban kii aanu ku bilawney taas,oo wakhti xaadirkan inta badan waafaqsan Danta Bulshada Somaliland iyo inta awoodi kareysa, sababtoo ah awal hore dadka Baabuurta iibsan karayey waxey ahaayeen dad kooban oo lacag adag haysta ama tujaar ah kuwaas oo intooda badani aaney baabuurta ka qaadan jirin dalka Gudihiisa ee u doonan jirey dalka dibadiisa kiro mooyaane lama awoodi jirin in la iibsado oo Ganacsatada badhkood ayaa bilaa gaadhi ahaan jirey haseyeeshee, maanta waxa suurtagal ah in Qof kasta oo shaqeeyaa baabuur iibsan karo, marka uu dhaqaalihiisa farsameysto,eek a adkaado ama lacag koban urursado”Ayuu yidhi, Isaxaaq Aadan Cismaan Maamulaha Guud Macradka Dubai Motors ee Caasimada Hargeysa.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa, in ay gacmo furan kusoo dhaweynayaan guud ahaanba Macaamiishooda ka iibsada had iyo jeer Noocyada Baabuurta ee Caasimada iyo Gobolada iyo Degmooyinka dalka oo dhan islamarkaana, ay qiimaha macquul ah wax kaga iibin doonaan oo aan ku aheyn qofka mid culeys ah oo damqa lexejeclo ahaan.

Macradadda Iibka Baabuurta oo inta badan kasoo qaadey bilawgoodii heer aad u hoseysa ayaa, kamid ah wakhti xaadirkan kuwa ugu wanaagsan ee maalinba maalinta ka dambeysa kor uga socda halkoodii hore iyadoo Macradka Dubai-Motors kamid yahey kuwa ugu fiican Caasimada Hargeysa, eel eh waji furnaan soo dhaweyn iyo saa,iraada macaamiishooda intaba.

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.