Tog-Wajaale:Qoysas Danyar Ah Oo Walaac Xoogan Ka Qaba In Lagu Bara-kiciyo Cagaftii Lagu Baabiiyey Meheradihii Ganacsatada Yaryar


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 14:44:59
Walaacan soo food saarey,in ka badan kumanaan qoys oo danyar ah ayaa,hurdada u diidey waalidiinta sida

Tog-Wajaale(HWN)-Kumanaan Qoys oo kamid ah qoysaska danyarta ah ee ku nool gudaha Magaalada, Tog-wajaale ayaa,walaac culusi kala soo dersay labadii habeen ee u dambeeyay, in ay baabiiso guryaha ay ku nool yihiin cagaftii bishii u dambeysay Xukuumaddu galisey Tog-Wajaale,ooh ore usoo baabiisey meherado badan oo ganacsatada itaalka yari ku laheyd Gudaha Magaalada,sida bacadlihii Tog-Wajaale iyo meelo kale,oo fara badan Taas oo laga leexiyey guud ahaanba dhismayaashii Ganacsatadda Waaweyni ka bineysatey.

Walaacan soo food saarey,in ka badan kumanaan qoys oo danyar ah ayaa,hurdada u diidey waalidiinta sida bisadda caruurahoodii ilkaha ku hayey,oo siweyn uga cabsi qaba in lagu baabiiyo cagafta bishii u dambeysay kujirtey Gudaha Magaalada Tog-wajaale mawduuc lagu sheegay in lagu hagaajinayo,qorshaha Magaalo ee Tog-Wajaale.

“Waxaanu la fajacsanahey,ololahan Xukuumaddu




ku koobtey Tog-wajaale, oo ay maanta in badan oo ganacsataddii itaalka darnaa meheradihii u furnaa,agabkodii lasara taagan yihiin albaabadana loo xidhey,ee haddana lagu soo wado buulashii iyo guryihii yaryaraa ee masaakiinta danyarta ahi dirqiga ku dhistay waa duruuf aaney,Somaliland inteeda kale nala qabin, ma waxaanu noqoney gasiiradihii hubka lagu tijaabinayey,mise waxaanu eedney taageeraddii Madaxweynaha ee hiil iyo hooba laheyd, anigeygaas oo danyar ah ayaa la iga qaadey qaadhaankii xafladeynta Muuse ee Dabaaldegii Doorashada imika afar habeen indho iskumaanaan keenin ee sida Bashadda ayaanu caruurihii ilkaha ku sidanaa kuwii wax kharibeyna cagaftii ayey horsocdaan”Sidaa Waxa yidhi odey Maxamuud Cismaan Cali oo kamid ah dadka danyarta ah ee kunool Magaalada Tog-Wajaale oo khadka telefoonka ugu waramey Shabakada Wararka hadhwanaagnews isagoo ku sugan Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale.

“Waxa layaab leh sadexdii beerood,ee Magaalada ugu dhawaa ayaa dantii guud ee laga jarey,qolyaha Maamulka ahi dilaaliin u direen oo suuqa loogu jiraa,cagaftiina iyagaa hor socda haddaba ma dawlladaa illaahey,inkaarta dadkan ku ambabixinayaa,mise sidaanu moodeynay ayaanu xaalku aheyn, waxaan filayaa in dhulkaa dilaaliinta loo direy ay isku dambabasayaan oo ku cimri dherersanayaan, masaakiintii iyo danyartiina, miskiinbaa misgo lafuula leh, loo adeegsadey,maanta inta walaacsani,waa intii dadkii Deegaanka,ee dirqiga ku sameystey godgalkaa yar kuwaasaa, cagaftii loo soo waddaa illaaheybaanu ku xawilney,dulmmiga nagu socda iyo nagula kacey,anuu meheradii aan ka shaqeynayey waala baabiiyey imikana caruurtii,ayaan ku dul walaacayaa”Sidaana waxa yidhi Axmed Cige Ismaaciil oo kamid ah dadka danyarta ah ee kunool Gudaha Magaalada Tog-Wajaale.

Geesta kale,Maamulka Degmada Tog-Wajaale,ayaa la sheegayaa in ay wali wadaan qorshe ay ku damacsan yihiin in ay isaga laaluushaan Maamulka Cusub ee Gobolka si ay meesha usii joogaan, ama aan loo raacin dambiyadii dhulkii danta guud ee ay xaraasheen dabayaaqadii, Xiligii Xukuumaddii hore waxaaney maalmiii u dambeeyay ku hawlanaayeen, qorsheynta beerihii ugu dhawaa Magaalada oo dhulkii laga jarey ee danta Guud laga baayacayo Gudaha Magaalada, arintaas oo aaney ka warheyn Gudoomiyaha cusub ee Maamulka Gobolka iyo saraakiisha Wasaaradda Hawlaha Guud ee ku sugan Tog-Wajaale.

  

Hadhwanaagnews Tog-Wajaale Office

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.