Rukuucdaye Waa Halkaad Ku Sujuudaa.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 07:53:08
Waa runtii oo ma sujuuddi karo ileyn meydkiibaa halkii uu ku sujuuddi lahaa yaalla e. Waxaa ninkaa salaatul jinaasada ku rukuucay

Nin wadaad ah oo degaan u shiikha ayaa mid kale oo kub ku siigaale ahi ku qabsaday iimaamnimadii. Iyagoo isla ildaran, caamadiina ku dhex wareertay  ayaa meyd la keenay si loogu tukado. Ninkii qasabka wadaadnimada ku rabay ayaa salaaddii jinaasada iimaamnimadeedii qasab ku galay. Ninkii shiikha degmada u ahaa faraha ayuu uga qaaday, waxayse horseedday ceeb iyo fashilaad. Wadaadkii Xaaji Qasab salaadii ayuu xidhay iyadoo meydkii hortiisa oo ku dhow yaallo. Markii uu ragcaddii hore takbiirtii iyo Faataxadii akhriyey ayuu rukuucay. Ceebbaa alla la maaggaye salaadda janaasadda lamana rukuuco, lamana sujuuddo. Iimaankii degmadda oo indho adaygiisa awalba la yaabbanaa baa ku yidhi rukuucdaye waa halkaad




ku sujuuddaa. Waa runtii oo ma sujuuddi karo ileyn meydkiibaa halkii uu ku sujuuddi lahaa yaalla e. Waxaa ninkaa salaatul jinaasada ku rukuucay ka dhigin baarlamaanka iyo xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee AMISOM Muqdisho ku ilaaliso, UN-tuna mushahaarka siisaa markay yidhaahdeen DP World ayaanu Berbera ka mamnuucnay. Waxaa la yaab ah dhul iyaga laga mamnuucay oo aanay cag soo dhigi karin bay yidhaahdeen cid kale ayaanu ka mamnuucaynaa. Bal aan eegno halka ay ku sujuuddaan iyo sida ay ficil ugu roggaan sharcigii ay meel mariyeen.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu yidhi ama annagaa cid waxba fulinwayda oo ay iyagu haystaan noqon doona ama iyagaa dameer iska ciyey noqon doona. Bal duugga iyo halkay cagadhigato aynu ka war dhowro.

 

Allaa Mahad leh,

Ismail Awad

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.