Maalintan Haweenka ( 8 March) Maxay Ka Qabtaa Diinta Islaamku Culimoooooy !!!!!!!.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 07:37:06
Naxariis iyo wanaag dumar loo sameeyaana ma jire waa maalin ka mida maalmaha businesska ay gaaladu u samaysteen

Marka diinta islaamka loogu dhaqmayo sida saxa ah qofka dumarka ah ee muslimka ahi way ilaashantahay laga bilaabo markay dhalato tan iyo intay nooshahay oo dhan. Markay inanta yar tahay waxay ku dhex ilaashantahay oo haya waalidkeeda, marka la guursado waxay ku ilaashantahay saygeeda, qofka dumsrka ahi markay weynaatana curuurteeda ilaalisa. Markaa qofka dumarka ah sidaasaa u asturantay nolosheedoo dhan. Sheekadan maalinta hooyooyinka adduunka waa qiso timir lafbaa ku jirta oo ninmankan gaalada ah ee yidhi dunida anagaa xukunna ayey ka mid tahay 8 March (maalinta hooyooyinka) iyagaa magacaa la macaaneeyey ee sonkorta dusha laga mariyey ula baxay. Naxariis iyo wanaag dumar loo sameeyaana ma jire




waa maalin ka mida maalmaha businesska ay gaaladu u samaysteen sida Christmas ka, Valentine ka iyo qaar kaloo badan si badeecadahooda kala duwan uga iigeliyaan, diimaha iyo dhaqanada kalena ay wadooyin uga dhexfurtaan.

 

 
 
Maalinta sideeda March dalalka wax qabsan kari la ee baahida la saaxiibka ah sida dalkeena Somaliland oo kale xukuumadahoodu waxaa (conditions) lagu quudiyo ka mida inay maalmaha gaaaladu samaysatay soo dhoweeyaan ,taageeraan, ka qudbadeeyaan la dabaaldegaan, laakiin waxaa xaqiiqo ah in dumar ka adduunku inay wax isu ahayn ee kuwa muslimka ah uun wax isu yihiin. Maalinkasta daqiiqad kasta Hargeysa wadamada Somalida degto waxaa daqiiqadii qudha lagu KUFSADAA 3 dumara ugu yaraan, illaa 5 dumarana waa lagu garaacaa daqiiqadii, haddaa (statistics)mala-awaad moodaysaan maanta ka bilaaba inaa kufsiga Hargeysa diiwaan gelisaan oo isu keen keena March 2019 ka hubaa kumaankun bay kor uu dhaafayaa (crime)kaasi. Madaxweynuhu may ahayn inuu Somalia iyo Somaliland ka sheekeeyo isfuridooda ee waxay ahayd Maalin ku sheega Haweenka inuu KUFSIGA DUMARKA KA HADLO WAXNA KA QABTO ILAYN ISAA KURSIGOODII OROD KU FUULAYE.
 
Madacweyihii hore ee AAMUSANE EE SIILAANYO WADANKII AAMUSBUU BARAY ,MAXAA CULIMADA BADANKOODII ARINTAN MAALINTA HAWEENKA WAXAY DIINTU KA QASBTO
IYANA QIDHIM KA SIIIYEY.
 
Maalinta haweenka , maalinta Chrismas ka, Maalinta Valentine ka, Maalinta Aabaha waxaa soo dhami waa (life style) iyo Baayacmushtari macne kaloo ku jiraa ma jiro .waa dumaraw soo baxa sida gaalada parties samaysta badina waxaa horkacaya dumarkeenii wax ku soo bartay reer galbeedka ee life style kaa la dhacay badina aan diinta islaamka horuumar u arkaynin.
 
Hadal iyo dhammaadkii ummadda Maalinta 8March ummaddan sida kiniinka ha liqsiininee ha laga doodo oo wax ha la iska weydiiyo maxaa faaiido muslimka ugu jira maxaase khasaare ugu jira. Xukuumadaha baahani international community gay ka baqaan oo quudinta laga jarayaa hadday ka doodaan ayaamaha gaalada.
 
M Bashe (Meerkat , thought of the day)
 

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.