Xukuumadda Somaliland Oo Geedi Socodkeedii Siyaasadeed Ku Koobtey Difaac Joogto Ah iyo Dhaqdhaqaaqyadii Xidhiidhka Caalamiga ah Oo Gaabis Kujira(Faallo)


(Hadhwanaagnews) Tuesday, March 13, 2018 02:52:25
Hadey noqoto,dhaliilihii ay Xisbiyada Mucaaridka ahi ku aadiyeen habdhicii Doorashadii Madaxtooyadda iyo goldoolooyinkii ku

Hargeysa(HWN)-Inkastoo,uu Sidkeedu u buuxsamey Sagaashan maalmood tan iyo intii ka dambeysay markii,uu talada dalka si rasmi ah ula Wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,oo kala wareegey Xukuumaddii uu hogaamiyaha u ahaa Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo ee ay isku Xisbiga Kulmiye ahaayeen, waxa muuqata in ay ugu bilatey is difaaca Siyaasadeed ee bilawgii dhaliilaha kaga furmey Gudaha dalka.

Hadey noqoto,dhaliilihii ay Xisbiyada Mucaaridka ahi ku aadiyeen habdhicii Doorashadii Madaxtooyadda iyo goldoolooyinkii ku lamaanaa,oo Xukuumadu marar badan iska difaacey islamarkaana, uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi laf ahaantiisu mimbarka u fuuley ka jawaabista dhaliilahaa, qaarkood taas oo maalinba maalinta ka dambeysa,kasii durkeysay halkii hore.

 

Haddaba marka hoos loogu dhaadhaco,tan iyo




intii uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi soo dhisey Golihiisa Xukuumadda bilawgii inkastoo,uu dib u magacaabey Wasiirkii u dambeeyay ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Xukuumadii ka horeysay Dr Sacad Cali Shire wali waxa socda hadal tiranka jawaabaha is difaaca ah ee uu badankooda, Madaxweynuhu miiska u fadhiyo,maalmahan u dambeeyay ha ugu badnaadaan kuwa ku jiheysan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo aad u dhaqaajisey Madaxtoyadda Somaliland khudbadaheeda War- saxaafadeedyadeeda, iyo shaqo maalmeedkeeda intaba iyadoo Siyaasada Arimaha Dibadda iyo Xidhiidhka Beesha Caalamku ku kooban yahey oo kaliya Dawllada Imaaraadka,heshiiska DP-World iyo hadalheyntiisa iyo waliba Socdaalada imaaraadka oo kaliya,waxaana hore u jirey hadalheynta dadweynaha Somaliland oo Xukuumaddii hore aad ugu dhaliili jirey gudo iyo dibaddba doorka Wasaarada khaarajiga ah oo gaabis ka noqotey guud ahaanba Beesha Caalamka.

Sikasta oo ay tahey, Su,aasha wakhtigan muhiimka ahi waxa ay is dul taageysaa goorma ayey Xukuumadan uu hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ka dhamaaneysaa is difaaca Gudaha dalka iyo jawaabaha fudeydka u badan eek u beegan Xukuumadda federaalka Soomaaliya islamarkaana, ay waji cusub uga gudbeysaa dhaqdhaqaaqyada gaabiska ah  xidhiidhka diblamaasiyadeed ee Somaliland ku beegsaneyso iibinta aragtiyaheeda Dhinaca Siyaasadda iyo ka warbixinta Istiraajiyadaheeda.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(Cabdiraxmaan-hiiraan) hadhwanaagnews

Email:[email protected]     

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.