Gudoomiyaha Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehelada Uu Ka Baxay Agaasimihii Maamulka Lacagta Golaha Wakiilada Oo Hargeysa Ku Geeriyooday


(Hadhwanaagnews) Monday, March 12, 2018 20:45:24
Gudoomiyaha Waddani Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Ehelada Uu Ka Baxay Agaasimihii Maamulka Lacagta Golaha Wakiilada Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee ee WADDANI sida oo kale na ah guddoomiyaha Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba guud ahaan taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, ayaa waxa uu shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Agaasimahii Maamulka iyo Lacagta ee Golaha Wakiilada Somaliland Marxuum Cabdi Ismaaciil Xawaadle oo maanta 12/03/2018 ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Cirro wuxu sida oo kale tacsi taas la mid ah uu u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumkaasi isaga oo ku sifeeyey




in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale na wuxu ku tilmaamay in uu ahaa raggii mudadad dheer sida naf hurnimada leh ugu soo shaqeeyey qaranka.

Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), wuxu ugu dambeyntii uu Eebe uga baryayaa Marxuumkaas in uu godka u nuuriyo sida oo kale na uu ka waraabiyo naxariistiisii jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo Axsaabtii uu ka baxayna Alle samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.

 

INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN

 

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI

Hargeysa, Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.