Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Oo Socdaal Ku Kala Bixiyey Deegaanka Ceel Afweyn (Sawiro)


(Hadhwanaagnews) Monday, March 12, 2018 20:14:34
waxaana waftidu ku guulaysatay in dhamaanba deegaanadaasi oo ah kuwa ay kala deganyihiin labadii beelood ee ay dirirtu dhex martay

Ceel Afweyn (HWN)- Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka hiirtii ka anbo baxay degmada Ceel Afweyn kuwaasi oo Socod ku kala bixiyey Deegaanada Hoosyimaada Degmada Ceel Afweyn iyo Dararweyne kuwaasi oo dhamaantoodba bulshada ku dhaqan ay waftidu kala hadleen goobo fagaare ah si loo gaadhsiiyo go’aamadii nabada lagu soo xidhay ee ay isla qaateen labada reer ee dhawaan dirirtu dhex martay iyo Go’aamadii Gudida Guurtida iyo Xukuumada.

Waftida wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Maxamed Kaahin Axmed uu hogaaminayey ayaa ka koobnaa

Gudida Golaha Guurtida JSL Ee Nabadaynta Beelaha Walaalaha ah loo Xilsaara

Gudiyada labada beelood ee Bahayo Iyo Idaray ee loo dhaariyey nabada

Gudida




Gobolka Sanaag ee xidhayaasha labada beelood ee la dhaariyey

Culumaa’udiin kala duwan oo iskaga kala yimi Somaliland iyo wadamada jaarka

Hogaanka Ciidamada Birmadka JSl Gaashaanle Sare Axmed Cabdi Tiir iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka boliska

Hogaan howgalinta Ciidanka Milatariga JSL ee Gobolka Sanaag

Dhamaanba guddiyada, saraakiisha. iyo culimadan waxaa ay socdaalkooda ku soo mareen tuulooyinka kala ah. Gal Iyo Caq, Dhabar Mamac, God Waraabe, Degmada Dararweyne, Beer Weyso Iyo Xamilka.

Dhamaanba tuulooyinkaasi iyo degmada dararweyne ayaa waftigu ugu qudbadaynayeen goobo fagaare ah oo bulshadu iskugu soo baxaysay mid walba, waxaana dhanbaalka ugu weyn ee waftidu xambaarsanayd uu ahaa in bulshadaasi si siman loo gaadhsiiyo go’aamadii labada beelood ay ku heshiiyeen iyo go’aamadii xukuumada Somaliland Ku Lifaaqday.

waxaana waftidu ku guulaysatay in dhamaanba deegaanadaasi oo ah kuwa ay kala deganyihiin labadii beelood ee ay dirirtu dhex martay inay baaqaasi gaadhsiiyaan isla markaana ay deegaanu maanta laga bilaabo ku dhaqmidoonaan.

Bulshada tuulooyinkan ay waftidu soo martay ayaa waxaa bulshada fagaarayaasha kala hadlay Cuqaasha, Caaqilada, Boqorada Iyo dhamaanba gudiyada beelaha kasoo kala jeeday oo ay weheliyaan culimadu, waxaana ay dhamaantoodba bulshada ku booriyeen adkaynta nabadgalyada iyo ku dhaqanka heshiiskaasi labada dhinac ku heshiiyeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Ahmed oo hada Arrimaha nabadaynta awgeed deegaankan ku sugnaa muddo labaataneeyo cisho ah ayaa maanta bulshada uu tuulooyinka iyo degmooyinkaba ugu khudbadeeyey inay maanta laga bilaabo qodobadaasi lagu dhaqmi doono deegaanka iyo dhul daaqsimeedkana aan la kala lahayn ninkii nin dillana inaan maanta laga bilaabo aan mag danbe la qaadan doonin oo loo qisaasayo.

Sidoo kale wasiirku waxaa uu saraakiisha ciidamada ku booriyey in qofkii hub lagu arko ay fasax u yihiin inay xoog kaga qaadaan oo kala wareegaan gaadiidkii lagu arko isaga oo ciidan beeleed sidana ay iyagu leeyihiin.

Wasiiku isaga oo la hadlaya dumarka iyo caruurta marka colaaduhu dhacaan deegaanadaasi lagaga guurana waxaa ugu baaqay maatida in kuwa dhiban ee dhibaatadu ku dhacaysaa inay iyaga tahay sidaasi darteedna ay hooyooyinku wiilashooda ka waaniyaan qoriga dabka leh ee ay la wareegayaan kay u tag waayaan ay ciidamada u sheegaan.

Ugu danbayn wasiirka ayaa bulshada isaga oo u digaya sheegay inaan maanta laga bilaabo wixii nabadaasi la xidhay kasoo noqda iyo go’aamadaasi jabisaba aan loo diri doonin caaqil, Suldaan ,Boqor, guurti iyo wasiirtoona ee ay is wajihi doonaan ciidamada kala duwan ee qaranka.

Hadhwanaagnews




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.