Xildhibaan Balaaki Miyaanu Ogayn Inuu Muuse Ka Baxay Xeradii Reerkoda Xildhibaan balaki Oo ah mudane ka tirsan aqalka wakiilada e Somaliland


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 14, 2018 07:32:43
Xildhibaan balaaki waxaa dadka badidodu Ku tilmaameen inuu yahay nin qabyaaladu ay tahay astaantiisa

Wuxuu xalay kasoo muuqday telefishan ka mida tvyada somalida isagoo aan  hadalkiisu u eekayn hadal xildhibaan ama qof masuula Ku hadli karo

Mana  ahyn hadal mucaarada iyo toosin lagu tilmaamo

Marka  aad usii fiirsatana aad ka dhadhansanayso inu isugu soo uruurayan  hadalo  guud ahaan ka madhan anshax iyo akhlaaq

Anigu hore  uma arag xildhibankan o hadlaya

Marka laga  reebo mar aan arkay isagoo ka dhex qaylinaya fadhi ay  lahaayeen golaha wakiiladu Oo aan filayo inuu ahaa kii lagu ansixinayey haamaha kaydka shidaalka berbera ee  ganacsatada lagu wareejinayey

Xildhibaan balaaki waxaa dadka badidodu Ku tilmaameen inuu yahay nin  qabyaaladu




ay  tahay  astaantiisa

Faysalna aanu wax kale u caayayn ee  uu kaarka iyo kurbada qabiilku qaatay

Una adkaysan waayey dhaliilihii isbarkanaa ee  u Faysal usoo jeediyay madaxweyne muuse biixi

Xildhibaan miyaanad ogayn in muuse ka baxay xayndaabkii reerkina ee  uu u gudbay xayndaabka qaranimo

Hadii cid dhaliil ka difaacaysana ay  ka difaacayaan cida ku haqada leh ee  afhayeenkisu kow  ka yahay

Ee  aanay reerkodu difaacin

Faysal Cali waraabe wa  shakhsiyad qaranimada iyo jiritaanka wadankiisa jecel kuna suntan guulo badan oo qaranku gaadhay

Oo ay kamid yihiin nabadayntii dalka,nidaamka dimuqradiyada iyo asxaabta badan, wadahadalada beelihii Somaliland e wax tabanayey ee  ay ka midyihiin beelaha dega  sool sanaag  buuhodle  oo laso  gabogabeeyay.

Faysal Waa shakhsiyad u shacabkiisu yaqaan abaalna u hayaan

Maaha qof aad hada  dadka barayso ee  hortaa waa layaqaanay

Shakhsiyada Faysal.

Adiguna  taarikhdaad iska xumaysay waxaanad noqotay xildhibaanki u horeeyay ee  markii LA bartay lagu bartay qabyaalad

 

WQ:abdulfatah Sulieman

[email protected]

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.