Sooyaalka Taarikheed Maalinta Jacaylka Adduunka 14 Feb , Maxayse Diinta Islaamku Ka Qabtaa.


(Hadhwanaagnews) Wednesday, February 14, 2018 07:27:24
Taariikhda geerida Valentine ayaa lagu sheegaa in gabadhii Julia ku beertay geed ubax ah xabaashiisa, kaastoo wakhtigan

Bisha febuary 14 ayaa looga aqoonsaday in ay tahay maalinta jecelka aduunka, waxaa laysku diraa salaamo, ubaxyo, hadyado ay is dhaafsanayaan lamanaayasha is jeceli. Hadaba maxay tahay waxa ka danbaya dabaal dagan iyo xaflada maalintan oo kale

valentine waxaa uu ahaa wadaad kasoo diinta iyo wacdiga faafin jiray qarnigii sadex iyo tobnaad. Markii boqorkii Claudius labaad uu go’aan saday in askari la qoro ragga aan xasaaska lahayn oo uu ka doorbiday kuwa reeraha leh. Waxaanu ka madnuucay dhalinyarada yaryari in ay guursadaan kuwaas oo u ahaa kayd ciidan oo ku ilaashado awoodiisa. Wakhtigaas baa ninkan Valintine dareemay cadaalad darada wareegtadan uu boqorku dhalinta kaga madnuucayo in ay




guursadaan, Waanu iska indha tiray waxaanu bilaabay in uu guursado gabdhaha yaryar ee wakhtigaa aad ka u quruxbadnaa kuwaas oo hoos u guursaday. Haddaba markii sheekadii Valentine ay soo shaacbaxday in uu hoos u qabo dumar badan. Waxaa uu boqorkii amray in la dilo sidaasbaana lagu khaarajiyey Valentine..

 

maalintan loo bixiyey Jacaylka adduunka Valentine Day ayaa ah xaflad jaahiliyadii la xusi jiray, waxaana lala xidhiidhiyaa nin wadaad Kiristaan ahaa Valentine oo la dilay 14 February 270 ciise  dabadii. Habeenkii dhimashadiisa ayuu valentine u qoray warqad gabadhii uu wax bari jiray ee Julia “ka Timi Valentine), taasoo markii dambe loogu magic  daray Port Valentine, waxaanu ku aasan yahay kiniisada Praxedes ee magaalada Roma ku taal. Taariikhda geerida Valentine ayaa lagu sheegaa in gabadhii Julia ku beertay geed ubax ah xabaashiisa, kaastoo wakhtigan loo adeegsado inuu yahay calaamada jacaylka iyo saaxiibtinimada, sannad walba 14 February, manta oo kalena adduunka inta badan laga xuso, isla markaana fariimo jacayl, xidhiidh iyo saaxiitinimo laysku dhaafsado aduunka maalintan sannad walba.

 

Maxay   diinta islaamku ka qabtaaa   dabaal dega  14 feb  oo ah malinta   jacaylka adduunka

Rasuulku Scw    waxa uu inoo sheegay  oo yidhi:  {waxa raaci doontaa kuwii  idinka horeeyey  waddadoodi iyo jidkii ay mareen  taako taako  dhudhun dhudhun ilaa haday galaan god masacagalay waad ka daba gali doonta waxaay saxaabadu weydiiyeen rasuulka SCW ma yuhuud iyo kiristan ayaad u jeedaa , dabadeeto waxa uu ugu jawaabay haa }.

Waxa kale oo rasuulku SCW inoo sheegay haddi yuhuuda iyo kiristanka laga helo qaar hooyadood guur ka doona in ummaddana laga helo doono qaar hooyadood wax ka doona,  waxa aynu ka fahanay labadaa xadiis in dhaqan kasta oo xun oo laga helo yuhuuda iyo kiristanka in laga helayo dadka muslimiinta qaar la yimaada dhaqankooda .                                                                                                         waxa ay culimada islaamku isku waafaqsan yihiin   In ay xaaran tahay oo ay tahay danbi weyn in loo dabaal dego maalinta jacaylka adduunka, in wax laisku hadyeeyo , in lasikugu yimaado meelo lagu xusaayo, in la xidho maalintaa maryo cas cas oo ujeedadeedu tahay inaad xusto maalintaa iyo hadal kasta oo muujinaya dabaal deg.

Talo   soo jeedin

  1. Dhalinyaradu ragg iyo dumarba waa in ay illahay ka cabsadaan oo ay iska ilaaliyaan wax liita in ay ku daydaan, oo ay dhaqamo shisheeye soo waaridaan.
  2.  Fanaanita waxa aynu leenahay illahay ka cabsada oo ummada maalinta jacaylka adduunka ha iskugu yeedhina oo ha u qabanina badhig faneed  ay habeenkaa ku xusayaan, wixii danbi ka yimaada cidhib xumadiisaa adduun iyo akhiraba idinkaa leh
  3.   Wasaaradda diinta iyo awqaafta  xil weyn ayaa ka saran diinta , dadka iyo dalkaba  ilaalintiisa , waa in ay wax ka qabato dadka noocaas sameenaya amar culusna ku rogto  mulkiilayaasha huteelada in ayna ku qaban Karin dhaqamada xun xun ee noocan ah.

[email protected]

 

 

 

*********************************************************************

 

 

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.