Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Soo Saaray Digniino Culus Oo Uu Dil Dhigay Riigaga Iyo Shirkadaha Fulaya Mashaariicda Biyaha


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 18:26:35
Wasiirka Biyaha Somaliland Oo Soo Saaray Digniino Culus Oo Uu Dil Dhigay Riigaga Iyo Shirkadaha Fulaya Mashaariicda Biyaha

Hargeysa(HWN):-Wasiirka Biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa soo saaray digniinihii ugu adkaa ee la xidhiidha mashaariicda dhinaca biyaha.

Wasiirka oo ka hadlayey kulan wasaaradiisu soo qaban qaabisay ayaa sheegay in mashaariicdii biyaha ee wadanku ay intoodii badnayd fashilmeen, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Calaamadaheena ugu badan ee soo noq noqonayaa waa dadkii mashaariicda qaadanayey oo hantidii umada si liidata ugu shaqaynaya oo mashruucii shalay la qabtay haddii aad lix bilood ama sanad ka dib soo dul istaagto waxaad u imanaysaa mashruucii oo gabi ahaanba wax macno leh aanay ka jirin ama ujeedadii lacagta loo galiyey aan waxba ka qaban.”

Wasiir Koore oo hadalkiisa




sii wata ayaa amar adag dul dhigay shirkadaha qaata mashaariicda biyaha waxaanu yidhi “Garyaqaanka dawlada iyo xeer ilaaliyuhu mashaariicdii aynu fulinayno inaga oo heshiis la galnay ayey iyaguna saxeexayaan damaanada aanu wada gali doono ninka mashruuca qaadanayo, mana dhacayso inta aan joogo hanti dambe oo inta uu nin mashaariicaysto ahi qaato uu sida uu doono ka yeelo, nin kasta oo mashruuc qaadanaya waxa uu saxeexayaa sadex sanadood oo damaanad ah isaga oo wixii ka yimaada dib u galinaya lacagtiisa markaa waxaynu u baahanahay in umada hantideeda loo badbaadiyo.”

Wasiir Koore ayaa soo bandhigay sababaha ku kalifay inuu digniinahan culus u jeediyo dadka mashariicda biyaha fulinaya waxaanu yidhi “Aad ayey ii xaganaysaa arintaas mashruucyadu, meel kasta oo aad tagto mashruucii shalay la dhameeyey ayaa lagu odhanayaa wuu fadhiyaa, arintaasina waxay aad ii taabatay intii aan dhulka marayey, siyaasada aanu hada qaadanay ee aanu hawl galinaynaa waa in dhaamis lagu qabto biyaha sare ee dalka, qof kasta oo kuu yimaada waxa uu ku odhanaya riig ii qod, kalmadaasina qof kasta afka ayey ka saaran tahay wixii hore ee la qodayna way fashilmeen.”

Sidoo kale wasiirka biyaha somaliland ayaa sheegay in cashuur lagu soo rogi doono cid kasta oo qodata ceel biyood ka hooseeya laba mitir waxaanu yidhi “Wixii hada ka dambeeya biyaha waxa lagu leeyahay Cashuurta lahaanshaha biyaha ee dalka, riigayga ayaan iska qodanayaa dabadeed beerta ayaan ku waraabinayaa wax shaqaynayaa maaha, hantida uu la soo baxayo ee dhulka hoostiisa ku jiraa waa biyo ay umadu leedahay mana aha qaar hebel leeyahay waxaanay ka mid tahay macdahaa ama hantida dadku leeyahay ee dhulka hoostiisa ku jira, Sharciga cusub ee golayaashu ansixiyeen waxa uu na siinayaa in nin kasta biyihiisa lagu xidho saacad, beer haku waraabsado ama meel kale ha joogee, dawladuna waxay ka qaadi doontaa cashuurta gedista iyo ta lahaanshaha biyaha, ninka biyaha kala soo baxaya dhulka hoostiisana waa inuu ogaadaa in hanti dadka ka dhaxaysa ay biyuhu yihiin, lacagtii uu biyaha ku iibiyeyna dadka ayaa leh ee waa inay wax uga soo noqdaan, waana lacag ku dhacaysa wasaarada maaliyada.”

Ugu dambayn wasiirka biyaha somaliland ayaa amar culus dul dhigay Riigaga biyaha qoda ceelasha biyaha waxaanu yidhi “Riiga dambe ee aanu ku qabano ama dhacda in isaga oo aan haysan warqadii ogolaanshaha wasaarada qoda ceel, waxaad ogaataan inaanu galin doono liiska madow kaas oo aanay suura gal noqon doonin inuu somaliland ka shaqaysto, riiga marka loo yeedho ee ninka mashruuca qaatay u yeedho ama cida kale u yeedho waa inuu waydiiyaa warqadii ogolaanshaha wasaarada.”

 

Cabdirisaaq Good Nuur

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:- [email protected]

Facebook:- Abdirizakk Goud




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.