Mashruuc Shaqo Abuur Loogu Samaynayo Dhalinyarada Oo Muqdisho Lagu Daahfuray.


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 17:15:37
Cabdirisaaq Mohamed Abuukar Ku xigeenka xisaabiyaha guud ee Somaliya oo ka hadlay madasha daahfurka mashruucan shaqo

Muqdisho (HWN) Xukuumada Federaalka ee Somaliya ayaa maanta muqdisho ku daahfurtay mashruuc ay sheegtay in shaqo abuur loogu samaynayo dhalinyarada Somaliyeed dalkana looga fulinayo mashaariic waxtar uleh bulshada Somaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Feraalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo Daahfuray mashruucan ayaa siweyn uga hadlay ujeedka mashruucani.

‘”Waxaa loo baahan yahay kordhinta wax soo saarka Dalka iyo shaqo abuurka loo sameeyo Dhalinyradda Soomaaliyeed, si ay ugu qeyb qataan hormarka iyo mustaqbalka dalka’’. Ayuu yidhi Wasiir Beyle.

Cabdirisaaq Mohamed Abuukar Ku xigeenka xisaabiyaha guud ee Somaliya oo ka hadlay madasha daahfurka mashruucan shaqo Abuurka ayaa shegaay in xafiiska xisaabiyaha guud




uu mar waliba diyaar u yahay ka shaqeynta shaqo abuurka iyo howlaha guud ee lagu horumarinayo dalka.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Jaamac Xuseen Xaashi ayaa sheegay in muhiim ay tahay in mar waliba laga qeyb qaato shaqo abuurka Dhalinyaradda.

 

Hadhwanaagnews




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.