Xildhibaan Xasan Shahar Oo Sheegay In Ay Soo Bandhigi Doonaan Ka Gole Ahaan Waxqabadka Balaadhan Ee Ay Ka Qabteen Caasimada iyo Asadka ay Dalka U Keeneen


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 13:13:19
Xildhibaan Xasan Cabdi Cali(Xasan-shahar),oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews u waramey ayaa, sheegay in ay

Hargeysa(HWN)-Xildhibaan Xasan Cabdi Cali(Xasan-shahar),ayaa sheegay in ay dhawan soo bandhigi doonaan Waxaqabad balaadhan oo ay ka qabteen Caasimada Somaliland,ee Hargeysa tan iyo intii ay Golahooda Deegaanku kala wareegeen,Golihii hore isagoo xusey,in Asadka ay u sameeyeen D.hoose ee Qalabka Dhismaha Jidadku yahey mid qiima Weyn ugu fadhiya dalka oo dhan.

Xildhibaan Xasan Cabdi Cali(Xasan-shahar),oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews u waramey ayaa, sheegay in ay fadeexad iyo xagxagsho tahey dadka had iyo jeer been abuurka ka faafiya Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Soltelco),haseyeeshee, uu yahey Maayar Daacad ah oo ka gole ahaan Waxqabadka Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa isagu, Hurmuud u ah,Waxaanu Xildhibaanku Sheegay in umadu Markhaati u noqon doonto kadib marka ay dhawaan soo bandhigaan Waxqabadkooda, ku aadan Caasimada Hargeysa ee adeegyada




aasaasiga u ah Bulshada,ha ugu badanaadeen Jidadka ay ka hirgaliyeen Caasimada Hargeysa.

 

“Hadii lagu sheegana, waala is sheelaa hadii lagu sheelana waala isa sheegaa, Mudadii aanu Joogney Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa,ee uu Golaha Hogaaminayey Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid(Cabdiraxmaan-Soltelco),Maayarka Caasimada Hargeysa Waxaa marag ma doon ah in ay noo suurta galeen Waxqabad la taaban karo, oo dhinac kasta ah taas oo aan aad u rajeynayo inaanu dhawaan si buuxda iyo Warbixin dhameys tiran kusoo hordhigi doono Bulshada oo markaa noogu garaabi doona, inaanu Wax badan qabaney illaaheyna nagu garab galey, anigu xaqiraadan faraha badan iyo tashuushkan shakhsiga la eryaaba akhriyayo garan maayo, laakiin waxaan sheegayaa in Golaha Deegaanka Hargeysa ee Caasimadu wax badan qabtey,oo dhisay jidadka faraha badan ee aad aragteen, waanu Sheegan garan weynay, ayaan filayaa laakiin hortiina ayaanu soo dhigi doonaa, Golayaasha Deegaanada kale qaar badan ayaa iyaguna Waxqabad muujiyey Berbera,ayaa kamid ah waan ugu mahad naqayaa Maayarka Cabdishakuur Cidin,Gabiley sidoo kale iyo meelo badan Boarame, Burco Maayarka Burcona, Waxaan uga mahad celinayaa, sida uu u xusey Asadkaa maanta Dalka oo dhan  hantida u ah ee Qalabka Dhismaha Jidadka oo qofkii garanayaaba qiimaha ay leeyihiin, iyo Culeyska ay leeyihiin, uu sidaa uga markhaati noqonayo”Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cabdi Cali (Xasan-shahar).

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa,”Waxaanu Bulshada ugu bushaareyneynaa inaanu Waxqabad ay ka markhaati noqdaan, oo aanu ku meydhno Dhaliisha been abuurka ah iyo dacaayadaha aan waxba ka jirin aanu usoo bandhigi doono dhawaan”Ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Shahar.

Gabagabadiina, Waxa uu hadalkiisa kusoo khatimey in ay wali Wadaan Qorshayaal fara badan, oo ay Waxqabadkooda Dhinaca Bulshada ku dardar galin doonaan, inkastoo ay habeen iyo Maalinba shaqeeyaan oo aaney, iyagu marnaba wax ka hagran hawlahooda u adeegista Dadweynaha.    

 

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.