Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Isku Shaan-Dhayn Ku Sameeyay Wasaaradiisa


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 13:03:28
Wasiirka Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Isku Shaan-Dhayn Ku Sameeyay Wasaaradiisa

Hargaysa{HWN}Wasiirka wasaarada Gadiidka Iyo Horumarinta  Jidadka Somaliland  Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray waxa uu isku shaan-dhayn ku sameeyay agaasime waaxeedyadda wasaaradda,Waxaana uu sidoo kale magacaabay mareeyaha mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo.

Qoraal Uu wasiirku soo saaray oo Nuqul Ka Mid ahi soo gaadhay shabakada caalamiga ah ee hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan.

Ku :-Jaamac Axmed Cismaan                       

Ku:- Cabdilaahi Samadoon Cumar

Ku:- Maxamed Axmed Sugaal

Ku:- Ayaan Cabdicasiis Mmaxamed

Ku:- Jaamac Maxamed  Cabdi

Og:- Agaasimaha Guud Wasaaradda Gadiidka Iyo Jidadka

Og:-Wasiir Ku Xigeenka WG/H.Jidadka

Ujeedo Magacaabis Agaasime




Waaxeed

Markaan Arkay: Dastuurka Qodobkiisa 81aad Ee Dastuurka  jamhuuriyadda Somaliland iyo Qodobka 25aad  ee xeerka dhismaha wasaaradaha iyo haay’addaha dawlada Xeer Lr01/2018.

Markaan Tix-galiyay: Baahida Wayn ee loo qabo waaxyaha wasaaradaha oo muhiimad wayn u leh  waajibaadka wasaaradan iyo waliba qorshaha hiigsiga qaranka Ee {NDP2} iyo barnaamij siyaasadeedka  xisbiga kulmiye.

Markaan ku qancay :-Aqoonta iyo waayo aragnimadda shaqo ee ay leeyihiin xilka agaasime waaxeednimo.

Waxa lala socodsiinayaa dhamaan shaqaalaha warqadani sida tooska ah ugu socoto In laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 12/2/2018 loo magacaaba in ay noqdaan agaasimayaasha waaxeedyadan wasaarada gadiidka iyo horumarinta jidadka mid walba waxa laga rabaa inuu ahaado agaasimaha waaxda ku hor qoran.

Jaamac axmed cismaan=     agaasimaha waaxda mamulka iyo lacagta  W.G&Horumarinta Jidadka

Claahi Samadoon Cumar= Agaasimaha waaxda qorshaynta & tiro-koobka W.G & Horumarinta Jidadka

Maxamed Axmed Sugaal=Agaasimaha waaxda Gaadiidka Bariga & Farsamadda W.G&Horumarinta jidadka

Ayaan C/Casiis Maxamed = Agaasimaha Waaxda Liisamadda & Buugaagta           W.G& Horumarinta

Jaamac Maxamed Cabdi= Agaasimaha Waaxda Gadiidka Badda                             W.G & Horumarinta

Hadaba waxa la faraya  Agaasimayaasha Waaxyaha Loo Magaacabay in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufnaan iyo xil-kasnimo leh

Dhinaca kale wasiirki waxa uu u magacaabay mareeyaha mashruuca dhismaha wadda ceerigaabo kaas oo laga dhigay  Eng Mawliid Ibraahim Nuux Taani,waxaana la farayaa Mareeyaha la magacaabay inuu waajibaadkiisa shaqo u guto si wanaagsan.

Allaa Mahad Leh.

Cabdilaahi Abokor Cismaan

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka Iyo Horumarinta Jidadka.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.