Tayada Wax Soo Saarka Dabiiciga ah Ee Shirkada Riyaan Organic Care


(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 13, 2018 07:09:14
Waxaynu u fiicatahay tinteena iyadoo ka ilaalinaysa aflaaqada, toxobta, go’ida qallaylka, iyadoo ka dhigaysa mid tayo leh tintaadana

Wadaniyad  sax ah oo fa’iido Dhaqan- Dhaqaale iyo mid horumarba ka abuurtay wadankan dihinka ah ee soomalliland.

Muna Magan  waa aqoonyahanad qurbo-joog qaran jecel ah. waxayna dhidibada u taagtay shirkada RIYAAN ORGANIC CARE.

Shirkadan Ugubka ah  wax soo saarkeeda ayaa ah wax soo saar dabiici ah oo tayto leh waana shan   (5) wax soosaar oo laga sameeyo geedka dabiiciga ah ee laga beeray magaalada HURRA-HAADLAY.

Geedkan dabiiciga ah ayaa lagu magacaabaa MORINGA.

Waana ku wan wax soo saarkiisii  (5)  shanta ahaa:

1.      Moringa Oil

2.      Moringa Head Mass

3.      Moringa Powder

4.     




Moringa Body Scrub

5.      Moringa Soap 

 

A.     Moringa Oil

Wax soo saarkani waa saliid dabiici ah taasoo la wada isticmaali karo raga iyo dumarba

Waxaynu u fiicatahay tinteena iyadoo ka ilaalinaysa aflaaqada, toxobta, go’ida qallaylka, iyadoo ka dhigaysa mid tayo leh tintaadana una  yeelaysa midab madow oo dhalaalaya.

Sidoo kale waxay ka hortagaysaa  wixii waxyee leeyo kaga imanaysa tinta gudaha iyo dibadaba

B.     Moringa Head Mass

Wax soo saarkan sidoo kale waxad u isticmaalaysaa timahaaga.

Waxaanad isticmaalaysaa maydhashada ka hor  tintaada oo qalalan ayaad marinasyaa kadib waxaad ku deynaysaa mudo 20-Daqiiqo ah.

 Kadib waa aad iska maydhaysaa natiijadana adaa ogaanaya insha allah

Odhaahdan ayaan ka idhi anigu ( TIJAABI  TAYADEEDA ADAA TEBI DOONEE).

C.    Moringa Powder

Wax soo saarkan waa maid aad u mihiim ah maadaama uu xambaar sanyahay caafimaad.

Waxsoo saarkani waa mid budo ah kana daawo ah cudurka dhiig karka ee aafada ku ah dadkeena.

Waxaanad u isticmaalaysaa subaxii markaad toosto adoo 2-Malqacadood oo wax soo saarkana   ku darsanaya shaaha, ama koob biyo ah ka dib waad cabaysaa .

Waxaanad kaga maarmaysaa daawooyinkii tirada badnaa ee chemical ka ahaa

D.     Moringa Body Scrub

Wax soo saarkana waa mid sidoo kale dabiici ah waana mid aad u istic maalayso dhamaan jidhkaaga isaga oon u gaysanayn wax yeelo.

Dhamaan jidkaaga ayaa uu ka dhigayaa mid nadiif ah kana dhamaynayaa  uskaga, iyo  Mad-madowga. Sidoo kale waxaad isticmaalaysaa intaadan maydhan ka hor.

Waana mid caraf badan ama udgoon ah waxaana lagu sanceeyay liinta dalkeena.

Waana wax soosaar aad ka helayso vitamins iyo minerals.

E.     Moringa Soap

Wax soo saarkan dabiiciga ahi sidoo kale waa mid  aad kaga maar mayso saabuunihii lahaa chemicals ka.

Waxaanad u is tic maalaysaa sida saabuuntii oo kale adigoo ku maydhanaya ama ku qubaysanaya dhamaan jidhkaaga. Isagoo kaa dhamaynaya dhamaan wasakhda jidhka.

 

Hadaba shakhsigan Hal- Abuurka wax soosaar leh.  sidoo kale na ah aqoonyahanada wax kusoo baratay wadanka ingiriiska.

Iyadoo baratay culuumta  (BIO MEDICAL SCEINCE NEUTRATION). Waxaanay baadhitaanka arinkan daraasaynaysay muddo 2-Sano ah.  waa inaynu garab is taagnaa inagoo ku garab is taagayna ididiillo siin iyo dhiiri gelin sax ah.

Si’ uu wax soo saarkani u noqdo mid midho dhala una gudbo wax soo saarkani dhamaan dacallada dunida. Si ayanu u noqono mujtamac  muunad wax soo saar iyo koboc dhaqaale bal eh.

Kana mid mid noqono dawladaha wax soo saarka leh ee dunida.

Qormo qoraaleedkaygani waa garab istaaga shirkada le tayada  wax soo saar ee abuurtay waxsoo saaro dabiici ah oo dalkaaga lagu sanceeyay, sidoo kale na ah shirkad wadani ah.

 

W/Q: Fadxi garaad ciise Uk

Cont: [email protected]Or +25263-4001631

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.