Madaxwayne Muuse Bixi Abdi Waa In Ay Bulashadeenu Helaan Cuntooyin Wanaagsan , WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan.


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 07:55:49
waxa abuurmay halkii laga raadinaayey caafimaadka bulshada oo sugma in ay si fudud u faafan cuduro badan bulshada dhexdeeda

Madaxwayne muuse bixi  abdi  waa in ay bulashadeenu helaan cuntooyin wanaagsan iyo dawooyin tatadooda ay hubaan hayada dhawrista  tayada dalka iyo  gud gudida minhadlayaasha caafimaadka oo ka seexday xilkii wajibaadkii shaqo ee dadka dalku xukumada iyo ilaahay u igmaday  inay sideeda u gutaan bulashada ka shaqaysa caafimaad qabka bulshadoodu waxay ku talaabsadaan  horumar deg deg                                         

Iyadoo ay luntay maamulkii  siyaasada caafimaadka dawliga kadib markii ay gudan kari waayeen masuuliyadii ay dawladu u igmatay inay wax ka qabtaan labadan  hayadood  hayada tayada dalka iyo gudidada minhadlayaasha caafimaadka  kadib waxa abuurmay in  dalkeenu uu noqdo goob qashin qub oo loo iib geeyo rashin cuntooyin daawooyin dhacay  oo




sababay soona gaadhsiiyey bulashadeena  cuduro waxyeeleya caafimaad qabkoodii gaarka oo dalka hore aan uga jirin sida noocyada cudurka cancerka  oo maalin kasta ay u dhimanyaan dad badan oo ah muwaadinin rayid ah waxa sidoo kale samaysmay in ay hoos u dhacdo awoodii iyo haybadii shaqaalahii caafimaadka sida mushahar aan ku filnayn  guno la an  maamul  taas oo keentay in laga doorbido  musuqmaasaq laalush  naafeeyey hawlihii ay u xilsaarnaayen ee tayada daawooyinka iyo cuntooyinka dalka dibada uga  yimaada  iyadoo ay samaysmeen farmasiyo iyo ruga caafimaad  dhamaan gobolada dalka oo ay ka shaqaynaayan  shaqaale ajanib ah oo aan lahayn  aqoon caafimaad iyo sharci u fasaxaya in ay ka ganacsadaan caafimaadka iyo daawaynta muwaadininta dalka  jahawareerkaa caafimaad ee lasoo darsay bulshadeena  rayidka waxa abuurmay goobo iclaajya oo ay naftu ku khasabtay in ay caafimaad ka raadiyaan  oo ay haystaan dad aan waxba dhaamin  aqoon ahaaneed  bukaha caafimaad qabka raadinaya                                                         

waxa abuurmay halkii laga raadinaayey  caafimaadka bulshada oo sugma in ay si fudud u faafan  cuduro badan bulshada dhexdeeda

Iyadoo dekadaha iyo airport dalka aanay jirin qalab lagu ogaan karo nooca  dawooyinka dalka dibada uga imanaya iyo sifaha tixraac sharci ee lagula socon karo  nooca daawooyinka dalka  sameeyey daawadu noocyada ay ka kooban tahay iyo sifa sharci ee dal ku galinta daawooyinka dalka dibada uga  yimaada

Iyadoo daawooyinkii dalka dibada uga imanayey  la ogaaday bukahii loo qoray markuu arimo  baadhis caafimaad dalka dibada ugu baxay in xanuunkii uu ka cabanayey  ay ka badnaatay waxyeelada caafimaad daro ee bukaha caafimaadkiisi ka soo gaadhay daawooyinkii  uu isticmaali  jiray waqtigii dalka uu joogay  taas oo ay sababtay  field caafimaad ee dawliga ahaa oo meesha ka baxay

Mushkuladaha iibka dawooyinka dalka oo sii batay waxay sababeen in  sii bataan pharmacyadii iyo rugahii caafimaadka daka iyagoo aanay jirin aqoon caafimaad oo ay ku shaqaysanayaan ama sifo sharci dawladeed oo lagula socdo furnaantooda sharci meheradeed

Dawooyinkii oo aan la garanayeyn in ay dalka dibada uga yimaadanan iyadoo taarikhdii hore  laga soo badalay oo tariikh cusub  lagu soo dhuftay iyadoo aanu jirin qalab casriya oo lagula socon kara  tayada dawooyinka dalka dibada uga yimaada

Ganacsatadii dalka dibada uga keenayey daawooyinka iyo cuntooyinka aynu isticmaalo oo ka door biday  fayaqabka dadkoodu in ay helaan cuntooyin nadiif  iyo daawooyin cusub  faa ido raadin  ganacsi xaaran ah oo shilin lacageed  markii hayadii u xilsaara masuuliyada hawshan shaqo sida hayada tayada dalka iyo gudida minhadlayaasha caafimaadku ay ka seexdeen wajibaadkii shaqo ee  xukumada dalku u igmatay in ay qabtaan

 

WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan

Fayo-dhawre madax bannaan

[email protected]  063 4130821

*********************************************************************

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.