Dagaal Culus Oo Ku Dhex Marey Gobolka Gedo Ciidamdda Kiiniya iyo Ciidamadda Soomaaliya


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 03:00:54
Dagaalkan, oo ahaa mid ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa,lagu soo waramayaa in uu ka bilaabmey

Ceel-Waaq(HWN)-Ciidamo katirsan Ciidamadda Difaaca Dawllada Kiiniya iyo Ciidamada Dawllada Soomaaliya ayaa,jimcihii maanta dagaal adagi ku dhex marey Degmada Ceel-waaq oo katirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya dagaalkaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba sababey.

Dagaalkan, oo ahaa mid ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa,lagu soo waramayaa in uu ka bilaabmey kadib markii Ciidamada Dawllada Kiiniya,oo kasoo gudbey Xuduudoodu ay gudaha usoo galeen Degmada Ceel-waaq iyagoo ku gaashaaman sadex kamid ah Gaadiidka Dagaalka ay kala shakiyeen Ciidamada dalkaasi Soomaaliya sidaana ay tacshiirad isugu jawaabeen iyadoo dagaalkoodu markii dambe adkaadey.

 

Sarkaal katirsan Ciidamadda Soomaaliya oo Warbaahinta uga Waramey Dagaalka dhex marey Ciidamadda Dawllada kiiniya




gaar ahaana kuwooda Milatarriga ah ee Argagixisada la dagaalama ayaa sheegay,in ay rasaasta kaga horeeyeen Ciidanka Kiiniya iyagoo,wata astaanta Calanka Alshabaab waxaanu xusey Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Xuseen Deyr Cadaawe in dagaalkaas uu kaga dhintey Sarkaal kamid ahaa Ciidamadooda oo lagu Magacaabo Gaashaanle Dhexe Maxamed Aadan Yuusuf(ilkacase),islamarkaana uu labada dhinac jiro dhimasho iyo dhaawac dagalkaasi ka dhashey.

Dawllada Fedraalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahey Magaalada, Muqdisho ayaan wali ka hadal Dagaalkan, iyadoo Geesta kalena aaney Dawllada Kiiniya Rumeysneyn in Ciidamdoodu Dagaal la galeen Ciidamo Daacad u ah Maamulka Koonfurta Soomaaliya.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(Cabdiraxmaan-hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected]      

 

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.