Qiimaha Sarifka Lacagta Dollarka Oo Kor Usocda Suuqyadda Caasimada Hargeysa iyo Xukuumadda Cusub Oo Aan Wali Ka Hadal


(Hadhwanaagnews) Saturday, January 13, 2018 01:32:55
Qiima korodhka Sarifka lacagta Dollarka ee kor usocda Maalmahan ayaa,walaac xoog leh ku abuurey guud ahaanba shacabka danyarta ah

Hargeysa(HWN)-Qiimaha Sarifka lacagta adag ee Dollarka Mareykanka ayaa, kor uga sii socda intii uu ahaa Todobaadyaddii u dambeeyay kadib markii uu gaadhey Boqolka Dollar hal Milyan iyo toban kun (1,010,000)  oo Shilinka Somaliland ah halkaas oo uu kaga soo boodey dabayaaqadii sanadkii 2017ka Todoba Boqol oo kun(700.000) Shilinka Somaliland ah,ee wakhti badan taagnaa sarifkiisu.

Qiima korodhka Sarifka lacagta Dollarka ee kor usocda Maalmahan ayaa,walaac xoog leh ku abuurey guud ahaanba shacabka danyarta ah iyo Ganacsatada garab raratada ah ee wax kasoo iibsada Ganacsatada Waaweyn iyadoo,maceeshaduna mar kasta oo sarifka lacagta dollarku kor u kacdo lagu kordhiyo qiima ka durugsan kii uu markii hore taagnaa taas oo ay khasab tahey in duruuf adagi kasoo waajahdo inta la tacaaleysa nolol maalmeedka




iyo quutal daruuriga maadaama ay Bulshada Somaliland boqolkiiba boqol ku nool yihiin cunooyinka uga yimaada dalka Dibadiisa,iyo alaabooyinka kale ee maacuunka,huga xawaashka,iyo noocyada bagaashka kala duwan,iyadoo ay caado joogto ah tahey in shay kasta oo badeecad ah ama la iibsanayo lagu iibsado lacagta adag ee Dollarka Mareykanka ah oo iyadu noqotey furaha Ganacsiga iyo iibka Somaliland ee wax kasta oo la iibsanayaa ku qiimaysan yahey.

Sikasta oo ay tahey,inkastoo saameynta qiima korodhka Sarifka lacagta Dollarka ah eek or uga sii socota halkeedii hore islamarkaana,ku qiimeysan guud ahaan maceeshada iyo badeecadaha kala duwan siweyn looga dareemayo culeyskeeda Gobolada iyo Degmooyinka dalka miyi iyo Magaalaba iyadoo sababta ugu weyni tahey in si isku mid ah loo isticmaalo Nolosha maceeshada dalka dibadiisa laga keeno marka laga in fara ku tiris ah oo Beeraley ah.

Gabagabadii wallow aanu Xukuumadu wali wax talaabo kor ukaca qiimaha Sarifka lacagta Dollarka mareykanka ee Saameynta ku yeeshey guud ahaanba meceeshada iyo suuqyada Ganacsi ee Somaliland hadana walaaca laga qabaa waa mid kasii xoogeysanaya intii hore iyadoo,aaney ilaa iyo hadda muuqanin rajo laga qabo in hoos looga celiyo halka uu gaadhey,waxa uu hadda ku socdaa in uu mar kale meesha ka saaro qeybo kamid ah lacagta Shilinka Somaliland oo in badan oo kamid ah Sixir bararku suuqa ka saarey Tusaale ahaan 500 ee Shilinka Somaliland oo hada ah ta ugu yare e Wax lagu iibsado,maadaama uu hore uga baxey 100 kii shilin 50kii shilin 10kii shilin iyo qadaadiicdiiba.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(Cabdiraxmaan-hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected]      

 




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.