Xukuumada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Qodobada Uu Ka Kooban Yahay Heshiis Ay La Gaadhay Dawlada Turkiga+Sawiro


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 23:35:59
Xukuumada Soomaaliya Oo Soo Bandhigtay Qodobada Uu Ka Kooban Yahay Heshiis Ay La Gaadhay Dawlada Turkiga+Sawiro

Muqdisho(HWN):-Raysal wasaare ku xigeenka dawlada federaalka ah ee soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed  ayaa soo bandhigay heshiis uu la saxeexday dhigiisa  dawlada Turkiga.

Raysal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga oo ay kaga qayb galayeen shirka iskaashiga ganacsiga ee soomaaliya iyo Turkiga  ayaa qoraal uu ku baahiyey bogiisa Facebook waxa uu ku soo bandhigay qodobada uu ka kooban yahay heshiis uu la gaadhay  masuuliyiin uu hogaaminayey raysal wasaare ku xigeenka dalka Turkiga.

Raysal wasaare Mahdi ayaa sheegay  in heshiiska ay kala saxeexdeen dhigiisa  dalka Turkiga uu khuseeyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, Maalgashiga, Waxbarashada, Tamarta,




Macdanta iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee bulshada.

 

Hadhwanaagnews.com




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.