Golaha Wakiilada Oo Codka Kalsoonida U Qaadaya Hormadii Ugu Horaysay Ee Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 21:17:36
Golaha Wakiilada Oo Codka Kalsoonida U Qaadaya Hormadii Ugu Horaysay Ee Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(HWN):-Xildhibaanada golaha wakiilada somaliland ayaa sabtida u balansan inay cod u qaadaan hormadii ugu horaysay ee ka mid ah wasiirada uu dhawaan magacaabay madaxweyne Muuse Biixi.

Golaha wakiilada somaliland oo awood dastuuri ah u leh ansixinta wasiirada cusub ayaa la filayaa inay hor yimaadaan xubnaha ugu horeeya ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi, kuwaas oo u qaadi doona codka kalsoonida.

Xoghayaha golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa shaaciyey in goluhu mudo sadex cisho ah u gudo jiri doono ansixinta wasiirada cusub ee xukuumada madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

 

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland









©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.