Hay'adda Shaqadoon Oo Ka Digtey Kooxo Si Khaldan U Adeegsadey Magacooga.


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 13:16:41
Hadaba hadii aan Idiinka Waramo waxa Jirta Mid ka mid ah Dhalinyaradii noo yimid ayaa lacag lagaga Qaatey oo waxa la tusey Website

Hay’adda Shaqadoon oo ka Hawlgasha Somaliland Islamarkaana Ka Shaqeeya Shaqo Gelinta Dhalinyarada ayaa Ka Digey Kooxo Magacooda Ku adeeg saneysa Isla markaana Been Abuur ka sameystey Qaabka Shaqo Galinta Dhalinyarada Somaliland qaatana Lacagyow Sharci Darro ah oo aaney qaadan Haba Yaraate Hay’adda Shaqadoonka.

Axmed Cali oo Ka Mid ah Masuuliyiinta Sarsare ee Hayadda Shaqodoon Oo Warbaahinta kula hadlaayey Xafiiska Hay’adda Shaqodoon ee Magalada Hargeysa ayaa Ka Hadley Arrintaasi   Waxaanu yidhi “Ugu Horeyn Anagoo Ah Hay’adda Shaqadoon waxaanu Dooneynaa Inaanu Halkan Idiinka Cadeyno in Dad ku Been Abuurteen Magaca Hayadda Shaqadoon oo eey Ku Baadhanayaan Dhalinyarada Iyagoo Sheeganaya iney ka tirsan Yihiin Wasarada




Shaqo-gelinta Dhalinyarada Iyo Arrimaha Bulshada isla markaana ay sheeganayaan iney Dhalinyaradaas Shaqo Gelinayaan, Kiiskaasi Dhawr Jeerbuu nagu soo noqnoqdey oo Xafiiskayaga Lanoogu Yimid, sidoo kale Emeylo ayaa la noo soo direy arinkii dabadeed waanu dabagalney deedna waxan ogaaney ninman fadhiista Xafiis ku Xiga Wasarada Ccaafimadka oo dhalinyarada ka qaada lacag kuwaas oo u sheega been waxeyna u sheegan iney shaqo gelinayaan waana been abuur” ayuu yidhi

 Waxaanu intaasi kudaray “Horta anagu Gaar Ahaan Waxaan leenahey Saddex Xafiis, Xafiiska Ku Yaala Miiska Saraakiisha oo ah Xafiiskayaga Weyn iyo Xafiiska Tababarka oo aanu ku tababarno dhalinyarada oo ku xiga dugsiga 26 June iyo Xafiiskayaga Saddexad oo aanu ku leenahey Cusbitaalka Adna Meel Kaloo aanu Xafiis Ku leenahey ma jirto sidoo kalena ma jirto meel aanu cid ugu tagney oonu lacag kaga qaadno ama meel intanu suuqa tagno dhalinyarada CV-gooda lacag kaga qaadna ma jirto”.

Axmed Cali oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa Yidhi “Hadaba hadii aan Idiinka Waramo waxa Jirta Mid ka mid ah Dhalinyaradii noo yimid ayaa lacag lagaga Qaatey oo waxa la tusey Website kayaga oo waxa lagu yidhi intaas oo dhanba ayaanu shaqo galiney waxaanu isku deyney inaanu baadhno waxanu ogaaney iney yihiin Budhacad sheeganaya Magaca Hay’addo, waxaanan rajeyneynaa iney dawlada daba gasho oo dadka magaca shaqodoon beenta ugu shaqeysanaya wax laga qabto”

Axmed Cali Ugu Danbeyntii waxa uu sheegey iney si tabarucaad ah uga shaqeeyaan shaqo gelinta dhalinyarada, waxaanu ugu baaqey Xukuumadu iney Talaabo ka qaado Budhcada Sida Sharci Darada ah u isticmaalaya Magaca Shaqdoon islamarkaana Dhalinyarada lacagta Been Abuurka ah kaga qaadanaya.




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.