Abwaankii Cali Diiriye Cigaal (Caligaab) Oo Ku Geeriyoodey Dalka Jabuuti


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 01:45:26
Marxuumku waxa uu hore uga mid ahaa Abwaanadii Hobolada Waaberi,ee Heesaha Waddaniga ah alifaadooda u badnaa

Djbouti(HWN)-Allaha Naxariistii jano hasiiyee Abwaan Cali Diiriye Cigaal(Cali-gaab),oo hore uga mid ahaa hal-abuurka Soomaaliyeed ee dhinaca Suugaanta,tan iyo intii ka dambeysay Burburkii Soomaaliyana  katirsanaa Ciidamada Jabuuti ayaa maanta ku geeriyoodey,Magaalada Jabuuti ee dalkaasi Jabuuti.

Marxuumku waxa uu hore uga mid ahaa Abwaanadii Hobolada Waaberi,ee Heesaha Waddaniga ah alifaadooda u badnaa isagoo,burburkii Soomaaliya intii ka dambeysay u Wareegay Dalka Jabuuti islamarkaana, kamid noqdey Saraakiisha Ciidanka Milatarriga dalkaasi Jabuuti gaar ahaana Kooxda Xarbi oo uu Abwaan uga noqdey dhinaca Suugaanta Wadaniga ah Waxaanu,alifey mudadii uu Jabuuti joogay Heeso badan oo dhinaca Waddaniga ah iyo kuwa kale oo lagu taageerayo Madaxweynaha Jabuuti.

 

Marxuum Cali Diiriye Cigaal (Cali-gaab),ayaa lagu Xusuustaa




heesihii uu alifey Wakhtiyadii uu Socdey Dagaalkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya Sida heestii ‘Hoheey Afrikaay Hurudooy Halyeeyadaadii Hurudooy Haadbaa Cunaayee Hurudooy’ ‘Waa Boqol Yuhuuduye’ iyo Suugaan kale oo badan.

Allaha ha u naxariistee Marxuumka ayaa lagu aasi Doonaa Magaalada Jabuuti Maalinta Barito ee Jumcaha ah Waxaanu u geeriyoodey Xanuun haleelay Sanadihii u dambeeyay.

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

hadhwanaagnews Email:[email protected]    




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.