Dil Ka Mid ah Dillalkii Ugu Foosha Xumaa Tan iyo Intii Lagu dhawaaqay Gooni-Isu-Taaga Somaliland


(Hadhwanaagnews) Friday, January 12, 2018 00:56:16
Dhacdadani oo uu ka warbixiyey Habkii iyo Hanaankii ay u dhacday Qisadani naxdinta Leh Cumar Aw Aadan Riiraash oo ah Marxuumada

Dil Ka Mid ah Dillalkii Ugu Foosha Xumaa Tan iyo Intii Lagu dhawaaqay Gooni-Isu-Taaga Somaliland ee ay jirtay qaranimada Dalku ayaa Ka qabsoomay Deegaanka Ilka-Wayne oo ka tirsan Degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Dhagartani oo Inta badan Dadkii ka Ag-Dhawaa iyo Intii Maqlaba ay ka argagaxeen isla markaana Af-Kala qaad ku noqdey Qof kasta oo Akhbaari ka soo gaadhay Dhacdadani ayaa waxa ka dhex dhacdey Lamaane Isu hayey Todoba Ubad ah, taasi oo sida ay kaga warbixinayaan Dhagartani ka dhacday Aabaha Qoyskaasi oo Gacani kaga dhacday Marwadiisii u haysay Todobada Ubad ah, taasi oo sida ay Sheegayaan Eheliyada Marxuumada oo lagu magacaabo Raxma Aw Aadan Riiraash, ay xuseen in Maydka Marxuumada laga dhex helay Kuus Caleen ah oo ay




ku dhex jirtay Mudo Shan Cisho ah oo lagu Baadi-goobka Raq iyo Ruux ee Marxuumada oo xiligaasi ay qaylo-dhaanteeda soo gaadhsiiyeen Eheliyada Sawjka qabay Marxuumada, haseyeeshe gaba-gabadii ay sheekadu ku Ururtay Gondaha Aabihii Ubadka ay u dhashay iyo Ehelka Ninka 

Dhacdadani oo uu ka warbixiyey Habkii iyo Hanaankii ay u dhacday Qisadani naxdinta Leh Cumar Aw Aadan Riiraash oo ah Marxuumada Wallaallkeed ayaa yidhi:  

“Dhacdadani Ayaa Ka Dhacdey Deegaanka Ilkawayne Oo hoosyimaada degmada wajaale ee gobolka gabilay Dhacdadani Waxa ay dhacdey Taariikhdu markii ay ahayd 07/12/2016 qoys degan deegaankaasi oo ka koobnaa aabo iyo hooyo haysta 7ciyaala islamarkaana uu aabuhu gacantiisa ku dilay Marwdiisii isaga oo ay ku wehelinayaan walaalihii iyo qaraabadiisuba islaantiisii islamarkaana ay heshiis ku ahaayeen inay qariyaaan maydkeeda loona ooyo oo layidhaahdo waa lawaayay”. Ayuu yidhi Cumar Aw Aadan Riiraash . 

Waxaanu ku daray Hadalkiisa Isaga oo sii Faahfaahinaya : “waxa ay ahayd goorhabeen ah Waxana ay gurayeen caleen ninkani oomagaciisa layidhaahdo Mukhtaar Jaamac Wayrax Walaalihii iyo ilma adeeradii xaaskiisu waxa ay udiyaarisay cashadii oo oo uu soo doontay saacadu markii ay ahayd sida uusheegay 08:30pm Kadib subaxnimadii waxa ay sheegeen jaamac iyo ehelkiisu in lawaayay gabadhii oo aan lahayn meel ay sal iyo raad dhigtay iyada oo aanay jirin wax ay u sababaynayaan Kadib markii uugaadhi makarafoon saaray mukhtaar oo ah ninka gabadhani qabay iyo walaalkii jirab si loogu majara habaabiyo qoyska ay gabadhani ka dhalatay oo dareen ka qaatay arintani kuna tuhunsanaa inuu dilay ninkeeda oo ay hore ugu yaqaaneen gacan ku dhiigle aan cidnaha u tudhan 5  maalmood markii lagu guda jiray raadcada gabadhani ayaa hawlgal baadi goob ah oo uu  sameeyay taliyaha qaybta booliska ee gobolka gabilay ayaa maydka gabadhani laga helay kuus caleena dhexdiisa isla caleentii beerteeda ee uu mukhtaar iyo walaalihii gurayeen habeenka ay dilkani fuliyeen Waxana loo soo qaadey maydka gabani baadhista magaalada gabilay baadhis kadib waxa la helay in uu maydkani ku yaalo nabaro farabadan ilaa sideed nabar oo ku dhacay markii la dilay kadibna indhaha laga bururiyay si aan loo helin gacanku dhiiglaha sidoo Kalena waxa joogay markii maydka la helay gaadhi loo soo diyaariyay in caleentani lagu qaado siloo raaciyo maydka oo laga soo kireeyay degmada boorama Beesha ay kadhalatay oo kamid ah beelaha ugu muga wayn beelaha dega gobolka gabilay oo aad uga cadhooday arintani ayaa hadana ku qancay go,aanka xukuumada ee ah in waajibkeeda lamarin doono cidii loo helo waxana la soo xidhay 1- Mukhtaar Jaamac Wayrax 2- Axmed Jaamac Wayrax (jirab) 3- Ilyaas Xuseen Jaamac 4- Axmed Cabdi Cige Kaare 5- Mukhtaar Cabdi Faarax Tukaale 6- Maxamed Cumar Aadan (Gaabane) 7- Axmed Nuur Sh/aadan Iyada Oo ay jiraan qaarkabaxsadey oo iyaguna lug ku laha kiiskani kuna qoran buu ga dacwada saldhiga Kadib markiii la dhagaystay sadex iyo labaatan markhaati oo goobjooge u ahaa arintani ayay maxkamada gobolka gabilay ku xakuntay laba kamid ah dil inta kalena xadhig Kadibna waxa ay ka qaateen racfaan maxkamada racfaanka heerqaran oo markiisa horeba faro gelin ba,an ku haysay arintani ayaa kiiskii waxa ay uwareejisay hargay taasi oo aanay hore u dhici jirin kiis gabilay laga qaado oo hargaysa lageeyo Maxkamada racfaanka ayaa majaro habaabisay kiiskani waxayna xadhig ugu bedeshay ragii dilka ku xakunaa Kuna dhawaaqday Kuna Dhawaaqday 10/12/2017 Arintaasi oo ay ka biyo diideen qoyska ay kadhalatay gabadhani ayay shir jaraa’id oo ay degmada gabilay 12/12/2017 ku yesheen cuqaasha beesha ay ka dhalatay Gabadhani sida foosha xun loo dilay ayay ku sheegeen inaanay ku qanacsanayn go,aanka maxkamada racfaanka waxayna baaq cod-dheer ah udireen maxkamada sare iyo cidkasta oo ay khuseyso arintani Intii lagu guda jiray kiiskani baadhistiisa ayaa lagu ogaaday laba dil oo hore oo ayku qirteen jeelka dhexdiisa waxana waxana xabsiga laga sii daayay nin uxidhnaa dilka inanyar iyo hooyadeed oo lagu dilay magaalada wajaale islamarkaana loo tuhunsana nin hore uqabayay waxana xadhiga laga sii daayay ninkas.

Cumar Aw Aadan Riiraash 

Gabiley Somaliland




©2014 Hadhanaagnews Media Network All Rights Reserved.